Xisbiga KULMIYE Oo Magacaabay maanta Guddida qaban qaabadda Shirka Golaha Dhexe 00 lagu mudeeyay in uu qabsoomo 6 juun ee bisha fooda inagu soo haysa
Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigge, ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 10 xubnood oo soo agaasinta shirka Golaha dhexe ee xisbigaasi oo hore loogu mudeeyay inuu Magaalada Hargeysa ka qabsoomo 6-da Bisha June ee fooda inagu soo haysa.
Gudidan uu magacaabay Gudoomiyaha Golaha Dhexe waxa ku jira xubno wasiiro ah iyo saraakiil ka tirsan Haa’yadaha dawliga ah ee dalka.
Md, Jaamac Shabeel warsaxaafadeedka uu ku magacaabay Guddidaasi waxay u qornayd sidan;-
“Iyada oo aynu hore ugu dhawaaqnay qabashada shirka golaha dhexe ee KULMIYE oo ku beegan 6-da June 2011, ayaa waxa lagama maarmaan noqotay si ay qabsoomida shirku u tabaalo la’aato in aanu magacwno guddi qaban qaabo oo ka hawl gasha dhamaan hawlaha ku beegan qabashada shirka golaha dhexe.
Sidaas darteed maanta oo ay taariikhdu tahay 28/05/2011 waxaan magacaabay inay noqdaan gudida qaban qaabada ee shirka Golaha dhexe xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin.
Axmed Muxumed Madar Guddoomiye
Cabdikariin Axmed Xinif Xoghaye
Maxamed Muuse Abees Xubin
Nimco Xuseen Qawdhan Xubin
Ilhaan Maxamed Jaamac xubin
Xuseen Axmed Caydiid xubin
Mahdi Xuseen Cadar xubin
Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan xubin
Siciid Cilmi Rooble xubin
Axmed Cabdi Dheere xubin
Xubnaha gudida qaban qaabada waxaa lagu wargelinayaa inay bisha 31/05/2011 oo ku beegan Maalin Salaasada ah isugu yimaadaan xarunta Xisbiga KULMIYE Saacada 9:00 subaxnimo halkaas oo guddoonka golaha dhexe kulan kula yeelan doono.Mudanayaal waxaan idinka rajaynayaa hawl wacan, guul iyo gobonimo taam ah.”
xuseen xarbi
hargaysa