Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

XUSKA MUNAASIBADA 18 MAY NORWAY OO AY WACDARO KA DHIGEEN NUUR DAALACAY KALTUUN BACADO IID BATALAALE

XUSKA MUNAASIBADA 18 MAY NORWAY OO AY WACDARO KA DHIGEEN NUUR DAALACAY KALTUUN BACADO IID BATALAALE

Xafladan oo aan dadka reer Norway ee ka soo jeeda JSl aanay hore u arag (Daawo Sawiro)

Munaasibad aad u balaadhan oo si heersare ah loo soo agaasimay
lagagana qayb qaadanayo xuska sanad guurada labaatanaad ee kasoo
wareegtay goosashada lasoo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyada
Somaliland ayaa lagu qabtay wadanka Norway gaar ahaan magaalada skein.



xafladan oo noqonaysa tii ugu balaadhnayd ee abid ka dhacday dalka
Norway ayaa waxa kasoo qayb masuuliyiin iyo marti sharaf aad u tira
badan iyadoo goobtii xaflada lagu qabayanayey ay soo buux dhaafiyeen
kumanaan kamid ah jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqanka wadanka
Norway.

Xafladan oo bilawgeedii lagu furay quraanka kariimka ah ayaa waxa ugu
horeyn madashaas ka hadlay Mujaahid C/raxmaan Maxamuud Xandule oo
ahaa xidhiidhiyaha barmaamujka isagoo mujaahid C/raxmaan ku dheeraaday
maalintan qiimaha badan 18 may iyo muhiimada ay u leedahay guud ahaan
bulshada reer Somaliland waxanu mujaahid hoosta ka xariiqay in dhamaan
dadka qurba jooga reer Somaliland u midoobaan danta dalkii iyo dadkii
ay kasoo dhoofeen mujaahid cabdiraxmaan oo hadalkiisa sii wata waxa uu
yidhi dadwaynaha reer Somaliland waxan ka codsanayaa inaan lagu halayn
baadi goobka citiraafka Somaliland Xukuumada talada dalka haysa ee
dhamaan laga wada hawl galo sidii ay Somaliland u heli lahayd aqoonsi
caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka iyo wadama jaarka ,
kadib waxa uu mujaahid C/raxmaan kusoo dhaweeyey barmaamijka
2011_05220091
2011_05220030
SAFIIRKA
SOMALILAND EE DALKA NORWAY
Mudane Maxamed Aadan Lilam safiirka Somaliland ee Norway ayaa waxa uu
ka jeediyey munaasibada qubad aad u qiira galisay dadwaynihii kasoo
qayb galay xaflada oo dhinacyo badan taabaysa.
Safiirka Somaliland Mudane Lilam waxa uu kawaramay habka geedi
socodka guusha dhaliyey ee Somaliland ku talaabsatay mudadii
labaatanka sano ahayd ee ay jirtay waxana uu aad ugu booriyey
dawaynaha reer Somaliland inay mid nimadooda ilaaliyaan kana fogaadaa
wixii ka hor imanaya danta qaranka jamhuuriyada Somaliland.
2011_05220030
2011_05220062
Intaa kadib waxa la wareegay barmaamijka kooxda dhalinyarada ah ee
hidaha iyo dhaqanka dalka Norway ee (FIIRO) iyagoo halkaa ay kusoo
bandhigay ciyaaro kale duwan oo hida iyo dhaqan ah ,
Madasha oo ahayd goob ay isugu yimaadeen dad badan oo qurbaha ku
raagay ama dhaliyaro ku dhashay oo aan hore u arag ciyaaraha hidaha
iyo dhaqanka ayaa waxay dadku aad ugu mashquuleen sida ay mar kaliya
jiibta iyo jaanta ay isula helayaan waxana dareenka dadka laga
dheehanayey sida ay ugu bogeen kooxdan hidaha iyo dhaqanka ee fiiro
ciyaaraha ay soo bandhigeen.

2011_05220021

Waxa kale oo xafladaas qayb laxaad le ka qaatay Koox isugu jira
fanaaniin iyo abwaano soo bandhigay masrax faneed ay kaga qayb
qaadanayaan munaasibadan qaaliga ah ee 18 may
Masrax faneedkan oo isagu jiray heeso gabayo iyo waliba buraanbur ayaa
intii xafladu socotay waxa soo jiitay dadwaynaha gabay aad u qiimo
badan oo uu halkaa tiriyey AbwaanAxmed Dayib Xaaji Cumar gabaygan oo
afka carabiga ahaa ayaa waxa aad loo dhacay habka farshaxanimda leh ee
uu u soo diyaariyey

Ugu dambayntii waxa aadiyo aad ugu mahad naqay dhamaan dadwaynihii
kasoo qayb galay munaasibada gudidii qaban qaabada Xuska 18may ee
dalka Norway iyagoo ugu hamblayeyey sanadka sanadkiisa inay ku
gaadhaan nabad galyo caafimaad iyo citiraaf Somaliland hesho

GUDIDA QABAN QAABADA XUSKA 18 MAY OSLO NORWAY
1:Rooda:Gudoomiyaha Gudida
2:Saciid Cabdi Adan:Xubin
3:Fadxiya Siciid Maxamed : Xubin
4:Amaal Ibraahin :Xubin

adan_sahal@hotmail.com
dajiye09@hotmail.com
Skein/norway

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com