Weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumaree Arbacadii Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulanka kula yeeshay Guddi ka tirsan Golaha Ammaanka iyo nabadgelyada ee qaramada midoobay ayaa maanta dalka ku soo laabtay. Kana waramay socdaalkoodii.
Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumaree Arbacadii Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulanka kula yeeshay Guddi ka tirsan Golaha Ammaanka iyo nabadgelyada ee qaramada midoobay ayaa maanta dalka ku soo laabtay. Kana waramay socdaalkoodii.
Weftigan oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirrada Gaashaan-dhiga, Macdanta iyo Biyaha, Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibada ee golaha wakiilada.
Wasiirka oo madaarka Hargeysa ugu waramayay saxaafada ayaa tafaasiil ka bixiyay shirkaasi oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah fursadihii ugu weynaa ee siyaasada dibada Somaliland laga gaadhay
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu ka hadlay kulankaasi waxaanu yidhi “Waxa markii u horaysay noo suurto gashay inaanu Gudi ka socota golaha ammaanka jimciyada quruumaha ka dhaxaysa oo aanay waligeed qadiyadeennu gaadhin aanu la yeelanay kulan fool ka fool ah oo aanay cid kale nagu wehelin marka laga reebo safiiro iyo dublamaamisiyiin reer galbeed ah.waa horumar weyn oo Somaliland gashay waana arrin weyn iyo horumar ay Somaliland ka gaadhay dhinaca siyaasada dibada iyo aqoonsigaba. waxaana aanu uga mahad celinaynaa wadamada aanu saaxiibka nahay ee gacanta naga siiyay kulankan waayo ma aha wax fudud.”
Wasiirku waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay dedaal ugu jirto himilada shacbiga ee ku wajahan inay maalin uun noqoto qaran madax banaan oo ka mid ah bulshada caalamka.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadu waxa uu sheegay in weftigiisu ay magaalada Nairobi kulan kula yeesheen Tobaneeye safiir oo ka mid ah danjireyaasha wadamada reer galbeedka u fadhiya Kenya.
“Weftigani waxa kale oo uu kula kulmay magaalada Nairobi tobaneeye safiir oo ka mid ah dublamaasiyiinta reer galbeedka u fadhiya wadamada Ingiriiska, Norway, Jarmalka iyo qaar kale oo dhammaantoodba danaynaya Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Wasiirku waxa uu ku dooday in Golaha Ammaanku ay Somaliland ku ammaaneen dawladnimada, dimuqraadiyada iyo horumarka ka tisqaaday.
Wasiirku waxa uu u mahad celiyay Jaaliyada Somaliland ee wadanka Kenya oo uu tilmaamay inay si weyn u soo dhaweeyeen weftigiisa.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibada ee golaha Wakiilada Md. Xuseen Cabdi Cigge, waxaanay ka warameen ahmiyadii Somaliland uu u lahaa kulankaasi.
xuseen xarbi
maantasomaliland.com