Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

– Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa mar kale beesha ka dalbaday inay Somaliland siiso aqoonsiga ay xaqqa u leedahay.

Hargeysa (maantasomaliland.com) Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa mar kale beesha ka dalbaday inay Somaliland siiso aqoonsiga ay xaqqa u leedahay.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo warkiisa ay qortay wakaalada wararka ee AFP, waxa uu sheegay in caqabada kali ah ee ka hor-taagnayd in Somaliland beesha caalamka aqoonsi buuxa ka hesho ay ahayd ururka midowga Afrika oo ku doodi jiray inaan la badali Karin xuduudihii isticmaarka ee Afrika, balse buu yidhi taasi hadda way dhamaatay maadaama oo dalka koonfurta Suudaan la siiyay aqoonsi ka dib markii uu ka go’ay dal waynaha Suudaan.

Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu horeyn ka hadlaya ictiraafka waxa uu yidhi “Waxa la joogaa wakhtigii beesha caalamku ay hoos u eegi lahayd dedaalka dadka reer Somaliland isla-markaana ay siin lahayd aqoonsiga ay dadka reer Somaliland u baahan yihiin.”

Md Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu soo qaaday “Dhibtaadada naga haysatay ururka midowga Afrika wuxuu ahaa fikirka odhanaya waxba lagama badali karo xuduudihii hore ee qaarada Afrika, laakiin taasi maaha wax hadda sii jira” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Beesha caalamku way arkayaan inaanu xattaa muuqan isbadal suurto-gal ah oo ku yimaada Soomaliya, markaa ma jirto sabab aanu ugu af-duubnaano xalka laga raadinayo Soomaliya.”

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, waxa uu mar labaad ku celiyay “Waxaanu rajaynaynaa in beesha caalamku xal u hesho dhibaatadda Soomaliya waanuna taageeraynaa dedaalada beesha caalamka ee arinta Soomaliya ku saabsan laakiin taasi maaha mid anaga na khusaya.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga ka ka hadlaya shaqaaqooyinka ka jira gobolada barriga dalka “Meel kasta dunida waxa ka jira kacdoono markaa kaayaguna waxba kama duwana.” Ayuu yidhi Md Axmed Siilaanyo.

maxamed dhukur

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com