Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ka Soo Horjeedsaday Guddi Guddoomiyaha Golaha Dhexe een kulmiye shalay U Magacaabay Qaban-qaabada Shirka Golaha Dhexe.ee xisbiga kumiye
Hargeysa (maantasomaliland.com) – Sida uu baahiyey xalayTelefishanka caalamiga ah ee HCTV, Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi ayaa ka soo horjeedsaday war-saxaafadeed shalay guddoomiyaha golaha dhexe soo saaray kaas oo uu ku sheegay inuu magacaabay guddida qaban-qaabada shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in guddoomiyaha golaha dhexe ee aanu awood u lahayn inuu magacaabo guddi qaban-qaabisa shirka golaha dhexe ee KULMIYE, isla-marlaana guddidaas uu awood u leeyahay guddoomiyaha xisbigu.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inaan Guddoomiyaha golaha dhexe Jaamac Shabeel aanay shaqadiisa ahayn inuu isku hawlo magacowga guddida qaban-qaabada shirka golaha dhexe.
Guddoomiyaha golaha dhexe ee Md Jaamac Shabeel ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed uu ku magacaabay 11 xubnood oo uu ku sheegay guddida qaban-qaabada shirka golaha dhexe ee KULMIYE oo qabsoomaya lixda bisha lixaad ee sanadkan 2011-ka.
Khilaafkan soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sareeya xisbiga KULMIYE ayaa noqonaya mid ku cusub xisbiga KULMIYE intii uu tallada dalka hayay.
xuseen xarbi
hargaysa