Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ballantaynu galnay ninkii ka baxow abeeso ku cuntay! Nuxurkii heshiiskii qaran iyo kulmiye

Ballantaynu galnay ninkii ka baxow abeeso ku cuntay! Nuxurkii heshiiskii qaran iyo kulmiye

nimankii way iska seexdeen hase yeeshee markii habeenkii laba qeybood tagtey ayaa nin ka mida nimankii safarka ahaa toosey

beribaa sadex nin safreen oo xeeb qabteen una raadsadeen qadhaab(midho) la yidhaahdo kullan haddaba nimankii safarka ahaa iyagaan gaadhin meeshii ay u socdeen balse ku dhow ayuu gabalkii dumay,waxay ku tashadeen inaaney guuro gelin ee ay iska seexdaan oo subaxii hiirta kalahaan si ay kullanka u soo gurtaan.

nimankii way iska seexdeen hase yeeshee markii habeenkii laba qeybood tagtey ayaa nin ka mida nimankii safarka ahaa toosey dabadeedna wuxu go’aansadey intay saaxiibadii hurdaan inuu kullanka(midhaha) soo gurto balse markuu meel dhexe marayo ayuu abeeso xeebeed afka kala haysa ku joogsadey dabadeedna qaniinyey la haleeshay halkaasuu markiiba ku naf waayey.labadii nin ee kale subaxii markay tooseen ayey waayeen saaxiibkood dabadeedna way raad qaadeen waxoogaa markay socdeen mise ninkiiyoo mayday ka kordhaceen yaab!.safarkoodii halhays baa ka hadhay had iyo jeer loo cuskado ballanta oo ah ninkii ballanta ka baxow abeeso ku cuntay!,taasoo muujinaysa qiimaha ballantu leedahay iyo cawaaqibka ballan-ka-baxa,ballantuna waa heshiish dhinacyo dhexmara.
Hadaba aan hoos ugu daadego dulucda qoraalkayga ee Hogaanka xisbiga kulmiye oo ka koobnaa lix xubnood oo uu ku jiro siilaanyo iyo madaxdii urur siyaasadeedkii qaran oo ka koobnaa 5 xubnood oo aan anigu ka mid ahaa ayaa fadhiyo iyo kulamo soo jiitamey laba sadex bilood oo ku qabsoomey hotelada maansoor,ambasador iyo meelo kaleba aakhirkii ku soo afgo’ay heshiis nuxurkiisu daaraa sadex qodob oo ahaa:-
1-In urur siyaasadeedka qaran geed dheer iyo mid gaabanba u fuulo sidii xisbiga kulmiye ugu guulaysan lahaa doorashada madaxtooyada,haddaan si kale u dhigana ururka qaran wuxuu si mug leh oo niyad sami ku jirto codkiisa ugu biiriyey xisbiga kulmiye isla markana ugu baaqey taageerayaashiisii iyo bulshaweynta reer somalilandba inay codkooda ,cuudkooda iyo cududoodaba u mideeyaan sidii musharaxiinta kulmiye (siilaanyo iyo saylaci) u soo bixi lahaayeen .
2-In marka xisbiga kulmiye ku guulaysto talada dalka dhaqan gelin doono furida ururo siyaasadeed si muwaadin kastoo damac iyo han lahiba u helo salaan uu ku soo koro siyaasada iyo madal uu ku soo bandhigo fikradiisa iyo barnaamijkiisa hogaamineed,ku darsoo waxaa intaas raacsanaa inay ururadu ka qeyb geli doonaan doorashada ama tartanka dawlada hoose ee ugu soo horeeya si rajada isbedel doonka looga midha dhaliyo.
3-in xubnaha urur siyaasadeedka qaran ee kuna qanacsan inay ka sii mid ahaadaan lana sii joogaan xisbiga kulmiye markuu guulaysto laga qeyb geliyo xukumada kulmiye soo dhisi doono.
Haddaba urur siyaasadeedkii qaran wuu fuliyey heshiiskii iyo shuruudihii dhinaciisa laga rabay wuxuuna sugay suurto geliyeyna guushii kursiga siilaanyo,balse siilaanyo oo maanta mindida daabkeeda haya martina loogana yahay inuu fuliyo qodobkii ugu mudnaa heshiiska ee furida urur siyaasadeedka ku dhiiranwaa.waxa la yidhi hal diidaysaa geeday ku xoqato ma weydo ee guddiyo aan distoori ahayn, waqti lumis iyo mawduucyo kale oo aan heshiiska ku jirin ayuu ku galgalanayaa yeelkeede waxa looga fadhiyaa fulinta heshiiskii uu la galay ururka qaran iyo taageerayaashiisa.
Hadal murti buu ku go,aaye xilligii ololaha doorashada wuxuu madaxweyne siilaanyo u ballanqaadey bulshada haddii ay codkooda siiyaan oo uu hogaanka dalka qabto inuu mudnaanta koowaad siin doono furida ururo siyaasadeedka waana ta loo sibirsaarinaayo codkii mudane siilaanyo dheeraa musharaxiintii la tartamaysey.mudane siilaanyo markii aanu dhinac joogney wuxuu ku doodi jiray inaanay macno samanayn macquulna ahayn in sadex qof iyo sadex xisbi weligood ummadda hortaagnadaan balse yuhuun cusub iyo isbedel loo baahan yahay.
haddaba bulshadu waxay maanta ka filaysaa madaxweyne siilaanyo inuu si geesinimo leh ugu dhiirado uguna dhawaaqo ballanqaadkiisii ahaa furida ururo siyaasadeedka taageerayaashii codka aqlabiyadda siiyey iyo ururka qaran-na mawduucan abaalcelin uga dhigo.gunaanadkii maadaba madaxweyne siilaanyo soo arkay soona tijaabiyey kootada kursi ee ka jirta xisbiyada gudahooda waxaa looga fadhiyaa fulinta heshiishkii uu la galay ururka qaran,waxaan ku soo afmeerayaa qormadeyda madaxweyne heshiish baynu galnaye dhinaceenii ka baxow abeeso ku cuntay!
Wa bilaahi tawfiiq
ENG MAXAMED JAAMAC AXMED (MASKAX)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com