Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in la buun buuniyay wax uu ku tilmaamay khilaaf hadheeyay masuuliyiinta xisbiga UCID.
Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in la buun buuniyay wax uu ku tilmaamay khilaaf hadheeyay masuuliyiinta xisbiga UCID.
Guddoomiyuhu waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay khilaafka ba’n ee la sheegay inuu ka dhex aloosan yahay Hoggaanka xisbigaasi kaasi oo ka dhashay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbigaasi Md. Faysal Cali Waraabe oo sheegay inay ku tallo jiraa sidii loo kala saari lahaa Guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweynaha ee xisbiga.
“Waxaan odhan karaa Saxaafaddu intii laga rabay in ka badan ayay buun buunisay oo ay sheegtay in khilaaf ba’ani ka dhex jiro xisbiga UCID, xisbigayaguna wuu cadeeyay inaanu wax khilaaf ah oo ba’ani ka dhex jirin, xisbigu waxa uu leeyahay nidaam iyo xeer Guddoomiyaha ayaanna ugu sareeya xisbiga. Wixii aragti ah ee shakhsiyana Guddoomiyuhuna wuu yeelan karaa xubnaha kalena way yeelan karaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo maanta u waramayay TV-ga madaxa banaan ee Horn Cable TV.
Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu sheegay in aragtida uu soo jeediyay Guddoomiyaha UCID ee la xidhiidha in la kala saaro murashaxa xisbiga iyo Guddoomiyenimada ay ka mid tahay aaraada lagu soo qaadi doono shirweynaha soo socda ee xisbiga.
xuseenxarbi
maantasomaliland.com