Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Nuxurka Warmurtiyeed Uu Xildhibaan Kamida Golaha Wakiilada Somaliland Udiray Urur Goboleedka IGAD Oo Ku Wajahan Dekada Berbera.

cropped-mmsll.png

Caawa oo bishu tahay 5 oughust 2016 waa habeen ku suntanaan doona taariikhda xusuus badan ku reebta mustaq balka umada reer somaliland, taariikhdu way soo moqnoqtaa, aragtidaan qabo habeenku wuxuu u midab eeg yahay lixdankii markii jibada shacabku u xusul doob nayd midnimo soomali weyn, umay suura gasheen 33kii baarlamaanka ahaa inay ka baajiyaan jibadaa, maanta waa habeen aqoonta somaliland gama ka dheertahay,mashquula ku yihin waxa dhici doona  waaga berigiisa yagoo indho mugleh ku eegaya berto sabtida ah iyo mooshinka sanad ku dhawaadku qaatay ee mashruuca shirkada DP WORLD kula awareegayso dekeda caalamigaa ee berbera port,kaa soo lagu xusuusan doono cida maanta caynka iyo bayda ubixisay haabadii laga habayay


qaranka mudo 25sano ah oo umada usuurta geliyay inay gooni isu taageeda ku xaqiijiso iyadoo wax aqoonsiya kahelin beesha caalamka sidaa daraadeed anigoo ah xildhibaan maxamed faarax qabile lagana soo doorto magaalo xeebeedka berberba ee gobolka saaxil,waxaan halkan baaq ugadirayaa beesha caalamka gaar ahaan monitering  gruop ee golaha ammaanka,IGAD iyo midawga africa inay il foojigan iyo samata bixin uu kamuuqdo gurmad caalamiya ku eegaan heshiisyada hadoodilan ee qarankan curdinka  ah ee somaliland umaamulayo madaxweynaha jamuurida somaliland ee aan weli ka helin beesha caalamka madax banaani caalamiya iyagoo utixgelinaaya dareenadii tognaa iyo mudaharaadadii is dabajooga ahaa ee kasoo baxayay bulshada qaybaheeda kala duwan  kuna dhaxal wareejinta kaaba yaashii dhaqaale ee ugu waa weynaa dalka,sida dekedii caalamiga ahayd ee berbera, aiportka caalamiga ee berbera, qaboojiyaha weyn ee kaluunka,weshadii laydhka ee degmada berbera,iyo isla marahaantaa khayraadkii dabiiciga ahaa ee dalka oo loo mijaxabinayo qaab aan waafaqsanayn shuruucda,xeerarka qarankani dhigtay,waxaan isdultaagayaa xadgudubka distooriga ah ee dhacay,sida haamihii kaydka shidaalka oo uu aqlabiyad kulaalay golaha wakiiladu khilaafsana qodobka 53 faqradiisa sadexaad oo ay lamidyihiin dekeda garoonka iyo khayraadka dabiiciga ah,haayada heer degmo sida biyaha iyo laydhka oo qaabka loo wareejiyay khilaafsan yahay qodobada 107,108,109,110, ee distoorka qaranka somalilan iyo xeerka 23 ee ismaamulka iyo gobolada iyo degmooyinka anigoo inahaa tusaale idinku filan kasoo qaadanaya waxay arimahan mijaxaabinyta ahi ku socdaan xawaare aad dheeraynaya oo ku dhisan muquunis iyo indho la,aan, waxaad moodaa arimahani haday sidan ku siisocdaan waxay ina dhaxalsiin karaan xasilooni daro ku timaada geeska africa gaar ahaan somaliland sidaa awgeed waxaan uga digayaa golaha wakiilada ee somaliland inay ka ilsugtaan,kana baaraan degaan sidoo kalena xil iyo waajibaadka kaga aadan ka gutaan islamarkaana wakhti ku filan siiyaan heshiiska DP WORLD ee horyaala, waxaan aamin sanahay in heshiiskan mugdi weyni ku gedaaman yahay,loona baahan yahay in goluhu fursad uhelo uu ku keensado khobaro caalamiya oo ka caawisa iyo aqoon yahano ku takhasusay heshiisyada caalamiga ah ee kanoo kale ah iyo cilmiga (GEO POLATICS) ee polaticska sidoo kale waxan dardaaran ugu gudbinayaa umada reer somaliland inay ilaashadaan qaranimada,midnimadooda, iyo amaan kooda una raacaan habraaca xeerarka iyo distuurka dalka oo la aantood ay tacabka badan usoo galeen ay ka waayi karaan gacmahooda

waxaan kusoo gebagebaynayaa war murtiyadeedkan tixdii maxamed cabdi raxmaan lugooyo;

1=qarniyada ragii jiray cidlay qulub lajiifaan

2=waxay la qarwayaan laylka dhexe qaadan kariwaa

3=dhaaxay abwaanadu qoreen sheeko qaaliya

4=culimada qubtalihi waano waynagala quusteen,

ugudanbayn waxan xukuumada axmed maxamed silanyo uu hogaaminayo ugadigayaa qaabkasta oo muquunin iyo jar iska xoornima ah ay dhabarka uridan doonto wixii cawaaqib xumo kaga yimaada sidoo kalena horumari wuxuu ka ifaa meel nabad gelyo taalo sidaa daraadeed xukuumadu waa inay latimaado siyaasad cad xasilooni iyo dejin intaanay ku degdegin kana foojig naato talaabo kasta oo u horseedaysa dhaawac iyo amaan daro qarankan ku yimaada

 

XILDHIBAAN MAXAMED FAARAX QABILE

MP Mohamed Farah Qabile qabile99@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com