Madaxa Ha’yada qaramada midoobay u qaabilsan nabadgelyada ee fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa iyo wefti uu Hoggaaminayay ayaa booqday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool
Laascaanood (maantaSomaliland.com)-Madaxa Ha’yada qaramada midoobay u qaabilsan nabadgelyada ee fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa iyo wefti uu Hoggaaminayay ayaa booqday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halkaasi oo ay ugu kuurgalayeen in xaalada nabadgelyo ee gobolkaasi ay suurto gal ka dhigayso in Ha’yadaha qaramada midoobay ay ka shaqeyn karaan gobolkaasi iyo inkale.
Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye oo caawa u waramayay Shabakada wararka ee Somaliland.Org , ayaa sheegay in weftigan oo ka koobnaa todoba xubnood ay booqasho rasmi ah ku soo mareen gobolka Sool.
“Weftigani waxay u socdeen inay darsaan in Ha’yadaha qaramada midoobay ay ka shaqayn karaan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxay weftigaasi soo kormeereen xaafadaha kala duwan ee magaalada Laascaanood oo ay soo indho indheeyeen,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool.
Cabdilaahi Jaamac Diiriye waxa uu sheegay in maamulka Gobolka Sool uu kulan balaadhan la yeeshay weftigan oo ay uga xog warameen ammaanka gobolka Sool, oo uu tilmaamay inay Ha’ayada caalamiga ahi ku shaqayn karaan.
Badhasaabku waxa uu intaasi ku daray in weftigu ay u sheegeen in ay wixii ay ku soo arkeen gobolka Sool u gubin doonaan madaxdooda si qaramada midoobay ay gobolkaasi uga fuliso mashaariicdii horumarineed ee loo qoon deeyay.
khadar cabdilaahi muxumed xarbi