Wasiirka Warfaafinta Iyo Afhayeenka Madaxtooyada Oo La kala jiiday
Wasiirka Warfaafinta somaliland cismaan cabdilaahi saxardiid iyo afhayeenka madaxtooyada cabdiraxmaan sheekh cilmi Faahiye Shamax ayaa la sheegay in ay ku dhex dagaalami gaadheen madaxtooyada.
Wasiir cadaani ayaa la sheegay in uu damcay in uu madaxtooyada dhexdeeda ku qabto shir jaraa”id oo uu uga dan lahaa hambalyada golaha wakiilada oo cod ku ansixiyey heshiiskii xukuumada iyo shirkada DP World, hasayeeshee afhayeen shamax ayaa uga dhaartay waxaana halkaasi kaga xumaaday afkii.
Masuuliyiin goobta ku sugnaa ayaa kala jiiday , sidaas ayaanu gacan ka hadalkoodu u baaqday