Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta ka hadashay imtixaanka si khalad ah dibada ugu baxay oo ah imtixaankii fasalada sadexaad ee dugsiyada sare.

(maantaSomaliland.com)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta ka hadashay imtixaanka si khalad ah dibada ugu baxay oo ah imtixaankii fasalada sadexaad ee dugsiyada sare.

Wasiirku oo maanta shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeeda waxay si qoto dheer uga hadashay imtixaanka baxay iyo asbaabaha dhaliyay iyadoo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxa jira xafiis imtixaanaadka ah si fiican u shaqeeya, dawlada cusubna aanay qof ka bedelin, waayo shahaadada xafiiskaas ka soo baxdaa waa mid lagu kalsoonyahay oo meolo badan muctarif ka ah oo wax dhaliila oo lagu helayna aanay jirin, markaa horta yaanay iskaga keen qaldamin imtixaanka fasalada afraad oo xafiiska imtixaannaadku saxo iyo iyo kuwa sideedaad oo ah imtixaan ay dugsiyadu qaadaan oo iyagu saxaan, markaa rabshadihii taagnaa waxay ka dhasheen fasallada saddexaad oo jawaabaha uu u diyaariyo xafiiska imtixaanaadku. Imtixaanaadka ayaa iskuulada la geeyaa, jawaabtana markay imtixaanadu dhammaadaan ayaa macalimiinta loo dhiibaa, markaa qaladka dhacay waxa weeye jawaabihii iyo imtixaankii baa la geeyay iskuulladii, dee markaa macalimiintu wada masuul maaha qaar baa faafiyay jawaabihii, markaa saddex maado ayuu qaladku ka dhacay oo halkii jawaabaha imtixaanka ka dib loo geyn lahaa, ayaa iskuulladii oo imtixaannadii ku jira la geeyay, markaa iskuuladiina waxay sammeeyeen inay jawaabihii ardaydii u sii sheegeen oo sidaa laysku wada gaadhsiiyey oo xataa markii danbe iib galay oo addeega ZAAD lacag laysugu soo diro si jawaabaha loo kala iibsado.”

“Waatan iskuuladii bilaashka laga dhigay waxay keentay macalimiin badan oo dhawr iskuul ka shaqayn jiray in qaarkood mushaharkii ka go’ay oo nidaamka dawladeed ma ogola in qofku laba meelood oo dawlada ah uu laba mushahar ka qaato, markaa tii baa ku yara adkaatay macalimiinta, laakiin khasab baanu kaga dhignay. Waxaana dhacday inaan macaliim badani arrintaa raali ka noqon oo ay ka xanaaqeen, markaa hadda macalimiin badan baa mushaharkoodii dib loogu celiyay dakhliga dawladda oo waa la wadaa arrintaa xalkeeda, kolay macaliminta way ku yartahay xataa haddii laba mushahar la siiyo,”ayay tidhi Wasiirku.

Wasiirku waxay sheegtay in rabshadihii ay sameeyeen ardayda dugsiyada sare ee Boorame ay u direen Guddi ka socda xafiiska imtixaanaadka guud oo soo baadha sidii ay wax u dhaceen.

xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com