Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dagaalkii Ka Dhacay Gambadha Iyo Maxaabiista laga Qabtay Huwantii Weerarka Soo Qaaday
Hargeysa (maantasomaliland) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalkii Axaddii ka dhacay deegaanka Gambadha oo Maleeshiyada Puntland iyo kooxda nabad diidka ah ee SSC oo garabsanayay ay soo weerareen ciidamada qaranka. Taliyaha oo shalay u waramayay Saxaafaddu waxa uu sheegay inay maleeshiyadii huwanta ahayd ee weerarka soo qaaday ay ka qabteen lix maxbuus.
“Shalay (habeen hore) dagaal baa ka dhacay deegaanka Gambadha la yidhaahd oo 30 Km dhinaca bari ka xigta magaalada Laascaanood, waxa na soo weeraray koox nabad diid ah oo ka yimid Buuhoodle qaarna isku urursadeen meesha la yidhaahdo Tuko-raq waxaanay ku soo weerareen dhawr tikniko ah way carareen oo way iska tageen mar dambe ayay haddana soo weerareen iyagoo intii hore ka badan markaa dagaal ayaa halkaasi ka dhacay waana la eryaday kooxdii dagaalka soo qaaday. Markii laga soo noqday ee meesha higlada la yidhaahdo ciidanka qaranku marayay saacadduna 4:00 galabnimo ay tahay ayaa kooxdii SSC ah iyo Ciidamo Puntland ah oo wada socda oo wata tikniko ilaa labaataneeye ahi ay soo weerareen ciidanka qaranka waxaana ka dhacay halkaasi dagaal socday ilaa 7-dii cawaysnimo ee xalay.”
Nuux Ismaaciil Taani waxa uu sheegay in ciidanka qaranku ay maleeshiyooyinka Puntland iyo SSC oo is garabsanayay ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen, waxaanu intaasi ku daray in ciidanka qaranka uu kaga dhaawacmay dagaalkaasi sadex askari oo dhaawac fududi soo gaadhay.
“Waxay kooxdan nabad diidka ahi ay doonayaan inay isku dhuftaan Somaliland Iyo Puntland ka dibna ay ka dhex baxaan. Waxaan leeyahay Puntland kooxdan nabad diidka ahi yaanay inaga dhex ridin dagaal aynaan labadeenuba qorshaysan taasi oo aan dan u ahayn Somaliland iyo Puntland-ba waxaanan leeyahay nimankaasi ama qabta ama anaga noo daaya,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka qaranku.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa isaguna shalay ka hadlay dagaalkaasi waxa uu yidhi “Dagaalkaasi waxa uu markii hore na dhex maray nimanka SSC la yidhaahdo iyo oo na soo weeraray ka bacdi markii aanu jabinayna waxa waxa soo gacan siiyay oo iyagoo wada jir ah na soo weeraray Puntland.”
Wasiirku waxa uu sheegay in shalay aanay deegaankaasi aanu ka dhicin wax dagaal ahi oo ay nabadgelyo tahay.
“Anagu waxaanu qabnaa inay Puntland iyo kooxda nabad diidka ahi isku mid yihiin waayo labadooduba waxay degan yihiin Tuko-raq waxa caqligu ku siinayaa in laba ciidan oo cola hi aanay meel wada degi Karin,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo shalay u waramayay laanta Afsoomaaliga ee Idaacada VOA-da. Wasiirku waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay mar walba yihiin difaac oo iyaga la soo weeraro. Md. Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu sheegay inay kooxda SSC ka qabteen 17 xubnood waxaanu beeniyay in Somaliland laga qabtay maxaabiis.
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland