Booliiska Dakaar oo Xabsiga u Taxaabay Daanyeer lacag kala Baxsaday Dukaan Dharka Iibiya
Booliiska magaalada Dakaar, ayaa raadinaya ciddii masuulka ka ahayd daanyeeri u tababaran hawlaha bani’aadamka (Marabi) oo isaga lagu soo eedeeyey in uu maamulka dukaan weyn oo dharka iibiya kala baxsaday lacag gaadhaysa 150,000 Fr (Lacagta Faransiiska) galabnimadii jimcaha ee toddobaadkan, sida uu qoray wargeyska la Monde ee ka soo baxa magaalada Baaris oo isagu xiganaya, sarkaal u hadlay booliiska magaalada Dakar ee xarunta dalkaasi Senegal.
Daanyeerkan oo markii kiish yar oo lacagtani ku jirto micida la helay xawli dibadda ugu booday, waxa uu kala gudbay laba dariiq oo isu dhow, badhtamaha magaalada Dakaar, ka dibna waxa uu dusha uga baxay baabuur Bus ah oo nooca dadka qaada, kaas oo uu watay hawlmaalmeedkiisii caadiga ahayd. Daanyeerkan yar ayaa dhex fadhiistay rakaabka ka dibna si caadi ah kiishka uga soo saaray lacag dhan 5000 Fr, una hibeeyay ninkii gurayay lacagta buska, lacagtaas ayaa dhan 65 USD, hase yeeshee daanyeerkan oo in 3 km ah iska dhigayay qof caadi ah oo rakaab ah ayaa mar qudha balow ka yidhi albaabka dambe ee buska oo isagu furnaa, isaga oo kiishkii yaraa marna gacan marna mici isugu dhiibaya.
Halka raacda reebtii oo gaadiid wadataa saacad ka dib ku qabteen makhaayad uu lahaa ninka xanaaneeya daanyeerkan sida uu qoray wargeysku booliiska, ayaa iminka qol gaar ah ku haya daanyerka oo weli arrintiisa aan xal loo helin. Ninka xanaaneeya daanyeerkan ayaa sheegay in uu dadka ula siman yahay daanyeerka, balse uu yahay daanyeerkani shakhsi xuquuq leh, isaga oo meesha ka saaray in lagu leeyahay lacag gaadhaysa 70,000 oo Fr ah oo ka yaacyaacday.
Arrintan ayaa cadho ku abuurtay dad badan kuwo kalena ka yaabisay sida lagu qoray ‘Lamonde’.