Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Berbera Wax Go’o lagu qaado ka weyn, Ragbaase Wax Gowska ugal go’o u dhigtay

 

Dunida waa la isku awood sheegtaa, si dadban iyo si toos ah. Marka madaxdaada hunguri lacageeed wado ee ayna qadiyadi wadina halista jirtaa waa mid lagama soo waaqdaan ah.  Tana waxa u dhiganta arinka heshiiska xukumada Axmed Siilaanyo, siiba uu sida gaarka ah u wato wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cumar (Bashe Morgan) ee la inoogu sheegay maal-galinta Dekeda Berbera oo ay ku samayso shirkada wadamada aduunku hangool-faraaqyo leh iskaga hayaan ee DP Wordl waxa uu galay xaalad magaalada Berbera hantida kaliya ee ay ku leeyihiin bulshada Somaliland saani u dhaxal-wareejinaya.

Tilaalka malaayiinta dollar ee


ilaa madaxda dawlada Xamar wax- ku-leedahay ayaa waxa uu dhaxal siinayaa Somaliland halis aanay ka soo waaqsan karin. Sida iyadoo heshiiska la inoogu sheegay maalgalin ee Dekeda Berbera si ay shirkada DP World u xalaalaysato ay soo galisay Saamilayda (shareholders) dawlada Itoobiya oo la ina lee yahay waxay qayb ku yeelanaysaa Dekeda Berbera.

Arintani waa mid halis ka weyn tii DP World gashay, waayo dal aan wadan ahaan ina aqoonsanayn, awood ahaan militari iyo mid siyaasadeedna inaga awood badan, isla markaana xuduud wadaagno, waxa ugu weyn ee uu aduunka ka daydayaa ay tahay deked uu yeesho, maadaama uu yahay dal bilaa xeeba ah, ayaa si loogu quus gooyo inta wali sii danaysa ee ka dareen qabta halista Berbera iyo Somaliland la galinayo waxa heshiiskii DP World iyo inta xukumada Siilaanyo ee ay horkacayaan Baashe Morgan, Marwada Madaxweynaha oo aduun lacageed oo buuran doonaysa in ay kaa tagto Somaliland iyo xubnaha wasiirada ee sidoo kale aduun doonka ah, qalinka lagu duugay heshiis ay ilaalo ka noqonayso dawlada Itoobiya.

Dawlada Imaaraadka iyo shirkadeeda DP World, meelo badan ayaa dunida laga soo eryey, sida dalalka Sinigaal iyo wadamo kale oo min Aasiya ilaa Ameerika ku yaal. Hase ahaatee waxa ay madaxdeedu moodayaan in ay heleen dal yar oo curdin ah oo aan la aqoonsanayn, isla markaana madaxdooda ay ku hayaan gacanta, waxayna durba heshiiskii noqday mid ilaalo loo samaysto. Ilaaladaasina waa dawlada Itoobiya oo ay uga soo baxday wixii ay raadinayeen mudo dheer oo ah deked ay wax ku leeyihiin.

Heshiiskii qalinka lagu duugay ee ka dhacay Dubai, kaas oo Berbera iyo Somaliland lagu galinayo dabin xidhan oo aanay dhayal kaga bixi karin, waxa haddii aan imika laga hortagin noqon doonaa halis ilaalo yeelatay oo dalkan Soamaliland dhaxalsiisa gumaysi cusub oo noociisu aanu hore u soo marin.

Haddalkii hore ee taariikh-galka ahaa ee la odhan jiray Berbera Wax Go’o lagu qaado ka weyn, waxa haatan badalay Berbera Wax Gows la gashado ka weyn, waxaana haboon in bulshada Somaliland si wada jir ah uga hortago raga uu ka mid ka yahay Baashe Moorgan iyo Sacada Cali Shire oo dalkan ku hagaya meel indhahoogu hunguri lacageed oo kali ahi ugu jiro, laakiin in ay gows ka saari oo ay calfan Alle ayaa og, waxase la marayaa meel aanay ahayn in bulshada Somaliland ka sii aamusto wixii duuduubka lagu marsaday Golaha Wakiilada Somaliland oo ah boobkii ugu weynaa ee abid soo mara Jamhuuriyada Somaliland.

Ogow Berberi wax gows la gashado ka weyn, kuwa goonida u gurxamayoow.

 

Dubai- UAE

xigasho hadhiwanaag

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com