Sadexda Xisbi Qaran oo Ka Hadlay Dareenkooda Ku Saabsan Natiijadii Gudidda Tallo-bixinta
Sadexda Xisbi Qaran oo Ka Hadlay Dareenkooda Ku Saabsan Natiijadii Gudidda Tallo-bixinta ee furashada asxaabta
Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Sadexda xisbi qarann ee KULMIYE, UCID iyo UDUB ayaa maanta markii u horaysay si gooni gooni ah uga hadlay aragtidooda la xidhiidha natiijadii ay Guddida tallo bixinta ururada siyaasada ay ku shaaciyaan in la furan karo ururada siyaasada.
Guddoomiyaha KULMIYE oo maanta xarunta dhexe ee xisbiga tallada haya ugu waramayay warbaahinta waxa uu sheegay in la fuliyay mid ka mid ah balan qaadyadii xisbigaasi ummadda Somaliland u soo bandhigay xiligii lagu jiray olalihii doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii Bishii June ee kal hore.
“Xisbiga Kulmiye hore wuu u cadeeyey, hadana waanu cadaynaynaa in dalka laga furo ururo cusub oo siyaasadeed loona furo si waafaqsan sharciga wadanka u yaal, waxana aanu ku taagan nahay balan qaadkii barnaamij siyaasadeedkayaga oo ahaa in dalka laga furo ururo cusub oo siyaasadeed si waaqafsan sharciga,imikana halkii uu baanu taagan nahay.Umadada Reer Somalilandna waxaanu u sheegayaa in aanau ku taagan nahay balan qaadkayagii,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay.shir jaraa’id oo uu saaka ku qabtay xarunta xisbiga KULMIYE.
Sidoo kale, |Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay dareenkiisa ayaa sheegay inay ka dhursugayaan xisbi ahaan go’aanka uu tallo bixintan ka qaato Madaxweynaha Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inuu taageersan yahay go’aanka ka soo baxay Guddidii tallo bixinta ururada siyaasada.
Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa go’aanka Guddida tallo bixinta ku tilmaamay mid ay ka dhalan karto cawaaqib xumo ba’ani.
xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa