Marwada Koowaad Oo Deeq Gaadhsiisay 900 oo qoys oo degan Agabar iyo Caadda
Marwada Koowaad Oo Deeq Gaadhsiisay 900 oo qoys oo degan Agabar iyo Caadda
Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Wefti ay hogaaminayso marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina waris) ayaa gurmad raashin ah maanta gaadhsiiyay 900 qoys oo ku tabaaloobay abaartii kululayd ee dalka soo martay kuwaas oo ku nool deegaanada Agabar iyo Caada oo ka tirsan gobolka gebiley.
Waxaa marwada koowaad Aamina Sheekh Maxamed Jirde wehelinayey wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan. Maareeyaha xafiiska samo-falka madaxrooyada Aamina Maxamuud Diiriye, badhasaabka Gabilay Cali Aadan Meecaad iyo Maayarka magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyo Sh. Aadan xaaji Muxumed Xiiray (Aadan Siiro) dadkan deeqda raashinka ah la gaadhsiiyey ayaa ka soo hayaamay deegaanka Cabdi geedi ee waqooyiga xeebta.
Marwo Aamina waris, ayaa u mahad celisay bulshada ku nool deegaankaasi oo si diiran u soo dhaweeyey, waxaanay sheegtay in aanay marnaba ka nasan doonin sidii ay taakulo u soo gaadhsiin lahaayeen dadkooda tabaalaysan, waxay marwada koowaad balan qaaday in aanay waxba ka hagran doonin sidii caawimo loo soo gaadhsiin lahaa dadka jilicsan ee danyarta ah.
badhasaabka gobolka Gabilay Cali Adan Mecaad ayaa uga mahadceliyey marwada madaxweynaha siday uga soo jawaabeen qaylo dhaantii ka soo yeedhay maamulka gobolka Gabilay.
xuseen xarbi
hargaysa