Muqdisho goordhawayd WAXA QARAX cIsbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ku geeriyodaay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka xukuumada ee Sheekh Shariif Cacbdishakuur Sheekh Xasan oo galabta qarax ismiidaamin ah lagula beegsaday gurigiisa oo ku yaala agagaar Sarta Zoobe ee Magaalada Muqdisho.WAXAANA QARAXAASI FULISAY GABADH UU ADEER U AHAA
Muqdisho goordhawayd cIsbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ku geeriyodaay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka xukuumada ee Sheekh Shariif Cacbdishakuur Sheekh Xasan oo galabta qarax ismiidaamin ah lagula beegsaday gurigiisa oo ku yaala agagaar Sarta Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumada KMG Soomaaliya Cabdikariin Xasan Jamaac ayaa goordhawayd warbaahinta u xaqiijiyey geerida Wasiirka Arimaha Gudaha, waxaana sheegay in qaraxa ay fulisay gabadh wasiirku uu adeer u u ahaa oo iyana goobtaas ku geeriyootay, taasoo la noolayd qoyska wasiirka.
Wararka qaar sheegaya Gabadhaas la sheegay in ay dhawaan ay ku soo biirtay qoyska Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdishakuur Xassan faarax.
Qofka mid ah qoyska wasiirkii la dilay ayaa sheegay in uu aad ula yaaban yahay sababta ay qaraxa u fulisay gabadhan uu adeerka u ahaa, isaga oo intaas lu daray in uu markii hore u malaynayay in Al-Shabaab ay qaraxa la beegsatay wasiirka.