Shan Sarkaal oo ka tirsan D/Hoose ee Burco oo Loo Xidhay Eedaymo Musuqmaasuq
Hargeysa (maantaSomaliland.com)-hawlwadeenada hanti dhawrka guud ee Somaliland, oo muddooyinka dembe ka waday baadhitaano haya’daha dawlada, gobollada iyo degmooyinka dalka , ayaa maanta xabsiga u taxaabay shan sarkaal oo ka tirsan dawlada hoose ee magaalada Burco oo uu ka mid yahay ku xigeenka xisaabiyaha guud ee gobolka Togdheer. Ka dib markii lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.
saraakiisha laga xidhay dawlada hoose ee burco waxay kala yihiin
1. Axmed Aadan Yuusuf oo ah agaasimaha maamulka iyo lacagta ee dawlada hoose ee burco.
2. Faarax Xuseen Aadan oo ah agaasimaha waaxda caashuuraha ee burco
3. Axmed Maxamed C/laahi oo ah Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee dawlada hoose
4. Bashiir Cabdi Xasan oo ah saarkaalka Iibka iyo qandarasyaada ee dawlada hoose ee burco
5. ku xigeenka xisaabiyaha guud ee gobolka Togdheer Ismaaciil Maxamuud Diiriye.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in dhamaan eedaysanayaashaasi loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee Burco , iyadoo uu xadhigooda ogolaatay maxkamadda gobolka Togdheer oo loo soo mariyay.
Ma aha markii u horaysay ee hanti dhawrku masuuliyiin ka tirsan dawlada hoose ee Burco xabsiga u taxaabo waxase jiray in dhawaan la xidhay Xoghayihii fulinta dawlada hoose iyo qasnajigii guud.