Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta loo qeybiyay nuqulada xeerka isgaadhsiinta Somaliland oo Golaha Wakiiladu u soo gudbiyeen aqalka odayaasha ka dib markii ay cod aqlabiyad ah ansixiyeen.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta loo qeybiyay nuqulada xeerka isgaadhsiinta Somaliland oo Golaha Wakiiladu u soo gudbiyeen aqalka odayaasha ka dib markii ay cod aqlabiyad ah ansixiyeen.

Ku Simaha guddoomiyaha Golaha Guurtida ahna Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre oo gudoominayay fadhigan ayaa hadal uu Xildhibaanada u jeediyay waxa uu ka hadlay xaalada dalka waxaanu tilmaamay in xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay wax badan ka qabatay horumarinta dalka, waxaanu tusaale u soo qaatay mushahar kordhintii ciidamada iyo shaqaalaha dawlada loo sameeyay, qorshihii dadweynaha gobolka Tog-dheer lagaga bedelay lacagtii giimbaarta ahayd iyo arrimo badan oo uu xusay inay dawladu qabatay muddada yar ee ay jirtay.

“Waxyaabo badan ayay xukuumaddu qabatay waxyaabo badan oo dhimanina way jiraan, markaa waxaanu gole ahaan soo jeedinaynaa in loo wada guntado oo laga wada qeyb galo wax looga qaban lahaa horumarinta dalka iyo dhamaystirka mushkiladaha jira,”ayuu yidhi Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre.

Ku simaha Guddoomiyuhu waxa uu Ganacsatada waaweyn iyo muwaadiniinta Somaliland u soo jeediyay inay si wadaniyad leh iskaga bixiyaan cashuuraha ku waajibay si dawladu ugu shaqayso.waxaanu tilmaamay inaanay jiri doonin wax horumar ah haddii aan cashuurta la bixin.
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com