Agaasimihii guud ee waaxda dib u dejinta ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Axmed Cabdilaahi Rooraaye ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii uu hayay ka dib markii uu wasiirka arrimaha guduhu Dr Gaboose uu faragelin ku sameeyay shaqadiisa sida uu ku dooday.
Hargeysa (maantasomaliland)Agaasimihii guud ee waaxda dib u dejinta ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Axmed Cabdilaahi Rooraaye ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii uu hayay ka dib markii uu wasiirka arrimaha guduhu Dr Gaboose uu faragelin ku sameeyay shaqadiisa sida uu ku dooday.
Mr Rooraaye oo maanta qaar ka mida warbaahinta maxaliga ah kula hadlay hotelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa , ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu ka dago jagada uu ka yahay xukuumada talada haysa oo uu ku tibaaxay in ay si cad ugu tumatay dastuurka dalka, iyada oo awoodihii qaranka uga faa’iidaysatay si guracan oo qayrul masuulnimo ah, waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo ku canaantay in uu ku guuldaraystay inuu wax ka qabto muran soo noqnoqaday oo u dhexeeyay isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha oo uu ku eedeeyay in uu ku kacay lunsiga hanta qaran oo xad-dhaaf ah, isla markaana uu isku dayay in uu xoog kula wareego shaqada waaxda dib u dejinta oo lagu magacaabay digreeto Madaxweyne.
Agaasimaha oo hadaladiisu aad u kulaayeen waxa ka mid ahaa” Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa in aan iska casilay xilkii aan ka hayay xukuumada Siilaanyo oo wada arrimo khatar ku ah dalkan, wasiirka arrimaha guduhu waxa uu lunsaday hanta badan ma jirto cid ka dabatagay lacagtaas”
Waa masuulkii ugu horeeyay ee iska casila xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo uu xilka hayay wakhti ku siman 11 bilooda, iyada oo aan la ogayn in dhabaha ku soo jiraan masuuliyiin kale oo dhiibi doona istiqaalahooda.
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland.com