Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha ee Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in codowga qudha ee ay ka digtoon tahay uu yahay cadowga ka yimaada Magaalada Muqdisho ee dalka qalalaasuhu ka jiro ee Soomaaliya isago golaha gurtida manta ka hor sheegay.
Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha ee Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in codowga qudha ee ay ka digtoon tahay uu yahay cadowga ka yimaada Magaalada Muqdisho ee dalka qalalaasuhu ka jiro ee Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay kulan xog waran ah oo ay la yeesheen Guddi hoosaadka joogtada ee Golaha Wakiilada.
Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Gaboose waxaa uu waramay qaab dhismeedka wasaaradaasi oo ay hoos yimaadaan laanta socdaalka iyo ciidama booliska, difaaca ilaalada xeebaha, hay’adaha Miino saarka qaranka,iyo Maamulada Gobolada,iyo Degmooyinka dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay in xaalada nabadgelyo ee dalku aad u wanaagsan tahay, waxaanu ku dooday socdaalkii kadiska ahaa ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay astaan u tahay heerka nabadgelyada dalku marayso oo ah mid aad u wanaagsan.
Dr. Gaboose waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay todobaadkii hore soo afjareen shaqaaqo u dhaxaysay laba beelood oo walaalo ah oo wada dega degmada Lughaya ee gobolka Awdal. Waxaanu u mahad celiyay waxgaradka labadaasi beelood oo si dhab ah u aqbalay inay heshiiyaan.
Waxaanu wasiirku xusay inay ku guulaysteen Heshiiskii dhex maray laba beelood oo walaalo ah oo wada degan degmada lughaya oo Muddooyinkii u dambeeyay ay xurgufi ka dhexaysay ka dhexaysay laba beelood oo walaalo ah oo wada dega magaalada lughaya Dr.Maxamed Cabdi Gaboose mar uu ka hadlayay gobolada Sool,Sanaag bari iyo buuhoodle waxaa uu sheegay inay u baahanyihiin xal siyaasi isla markaana ay ku rajo weyn yihiin sidii tabashada jirta wada hadal loogu dhamayn lahaa.
Dr. Gaboose oo wax laga weydiiyay xubno ka tirsan sirdoonka Kililka shanaad ee Itoobiya oo ay ku xidheen Hargeysa
Waxaanu wasiirku intaasi ku daray in dawlada itoobiya ay soo dirtay wefti balaadhan oo ay la kulmeen masuuliyiinta sare oo ka tirsan Somaliland lagana wada hadlay arrintaasina dhamaatay.
Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha oo wasiirka ku weheliyay kulankaasi.
Xoghayaha Gudida joogtada ah ee golaha wakiilada Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ayaa ugu mahadnaqay Wasiirka iyo Xubnaha kale ee wahelinayay. Sida wanaagsan ee gudidooda u soo ajiibeen, iyo warbixinta dhinacyada badan leh ee ay u soo jeediyeen.
xusen xarbi
mantasomaliland hargaysa