Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maareeyaha Guud ee Madbacada qaranka Somaliland Md. Cali Siciid Raygal ayaa maanta si weyn u beeniyay war sheegayay inuu ku tacadiyo shaqaalihiisa oo ku soo baxay wargeysyada iyo shabakadaha Internet-ka.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Maareeyaha Guud ee Madbacada qaranka Somaliland Md. Cali Siciid Raygal ayaa maanta si weyn u beeniyay war sheegayay inuu ku tacadiyo shaqaalihiisa oo ku soo baxay wargeysyada iyo shabakadaha Internet-ka.

Maareeyaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu beeniyay inuu dhimay mushaharka shaqaalaha iyo inuu mushaharkooda ka jaro lacag sharci darro ah isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan maanta shirkan jaraa’id u qabtay war saaka ku soo baxay jaraa’idka iyo website-yada oo aniga la iga qoray ka maareeye ahaan kaasi oo ku saabsan 1- Maareeyaha oo shaqaalaha madbacada qaranka ku tacadiyay 2- Maareeyaha oo Akownt gaar ah furtay oo lacag ku shubta laba 3-iyo lacago cashuur ah oo uu ku kordhiyay shaqaalihiisa iyo arrimo kale oo badan. Horta marka hore tacadiga lagu qoray Saxaafada anigu waxaan u aqaanaa tacadiga dadka xabsiyada lagu xidho ayuu u badan yahay laakiin dadka shaqaalaha ahi waa dad xor ah sharciga shaqaalaha qaranka u yaala uun baa lagu maamulayaa waana dad xor ah oo xuquuqdooda la ilaaliyo. Tacadigaas la sheegay ma garanayo waxa looga jeedo wax aan shaqaalahayga ka arkay oo ay igu yidhaahdeenna ma aha wax aan anigu ku sameeyayna ma aha.waxaanan u arkaa mid aan meesha ku jirin.”

Maareeyaha oo ka hadlayay cashuurta mushaharka shaqaalaha waxa uu yidhi “Tan kale ee ah mushaharkii shaqaalaha ayuu cashuur ku kordhiyay horta anagu wax cashuur ah oo aanu qaadanaa ma jirto oo aanu shaqaalahayaga ka qaadnaa, cashuuraha wasaarad ayaa xukuumada dhexe uga masuula oo ah wasaarada maaliyada. Dawlada dhexena intaanu cashuur u shubno ma odhan karno shaqaalahayagii cashuurtii intaasi ayaanu ku kordhinay. Shaqaalaha dawlada mushaharkooda waa la cashuuraa waxaana laga qaadaa lacag yar. Ha’yada shaqaalaha ayaa xadida waxaanay ku xidhan tahay qof walba Grade-kiisa. Cida lacagtaasi loo shubaana waa wasaarada maaliyada.”

“Waxa Jaraa’idka lagu qaray Maareeyihii madbacada oo mushaharkii shaqaalaha hoos u dhigay oo ka dhigay 300,000 SL SH.Anigu mushaharkii shaqaalaha intii aan ugu imid waxna kama dhimin waxna kuma kordhin intii ay qaadan jireen uun bay qaataan.anigu xaq ayaan u leeyahay shaqaalahayga haddii uu iska kay bixin waayo mushaharku halkani waa Ha’yad madax banaan dawlada dhexe Miisaaniyad iyo kabtoona kuma lihin wixii aanu soo saarno ayaanu gunadayada iyo mushaharkayagaba ka bixinaa haddii wax soo saarkayagu is dhimo waxa laga yaabaa in mushaharkayagu is dhimo waayo waxay ku xidhan tahay waxaanu la soo baxno, markaa anigu waan dhimi karaa mushaharka shaqaalaha haddii ay is bixin waydo haddii aanu dhaqaale badan helnana waan u kordhin karnaa,”ayuu yidhi Maareeyaha Madbacada qaranku

Maareeyuhu waxa kale oo uu wuxuu sheegay markii uu xilka la wareegay in xaalada madbacada qaranku ay meel aad hoosaysa maraysay oo shaqaaluhuna ay ku lahaayeen dhawr bilood mushaharkood.

Md. Cali Siciid Raygal wuxuu faahfaahin ka bixiyay akownada madbacada iyo mushaharka shaqaalaha waxaanu yidhi “Madbacadu waxay ahayd markii aan qabsaday meel xashiish lagu xareeyo oo lagu kala yaacay oo shaqaaluhu mushaharkii leeyihiin oo laga haajiray meel Account)-yo laga furto inaanay ahayn qof kastaaba wuu garanayaa madbacada qaranku waxay leedahay sadex akownt laba hore ayay u furnaayeen midna anigaa ku kordhiyay oo waxaan ka furan baanka dhexe ee dawlada. Akowntka Dahabshiil waxa loogu tallo galay inuu kayd noqdo oo haddii makiinadi jabto ama mishiinka laydhku si deg deg ah u xumaado in laga soo saaraa.wixii maalintii la igu wareejiyay ku jiray wali way ku jiraan wax aan ku darno mooyaanye waxba lagama saarin. Labada akownt ee kale waxay ka furan yihiin baanka dhexe mid waxa ku dhaca mushaharka shaqaalaha. Midna waxa ku dhaca lacag loogu tallo galay in shaqaalaha qofku markuu dhinto, ama uu iskii iskaga tago in xaqiisa uu ka qaato waxaana akownkaasi ku magacaaban yahay akownka xaqsiinta shaqaalaha madbacada qaranka. Akownkaasi waxa lagu shubaa 4% mana aha wax mushaharka shaqaalaha laga jaray ee waxa weeye lacagtii cashuuraha ee dawlada dhexe loo shubi jiray 10% ayay ahayd Madaxweynuhu warqad ayuu soo saaray wuu dhimay cashuurtii shaqaalaha laga qaadi jiray waxa laga dhigay 6%. Markaa waxa halkaasi nooga soo hadhay 4% taas ayaanu u aragnay in xuquuqdii shaqaaluhu ku dhex jirto cashuurta shaqaalaha laga qaado maadama oo aanaan miisaaniyad iyo kabtoona ku lahayn dawlada dhexe.”

Maareeyuhu waxa uu sheegay inuu dedaal weyn u galay sidii shaqaaluhu ay bil kasta u heli lahaayeen mushaharka taasna uu ku guulaystay.Waxa kale oo uu xusay inuu keenay agabkii shaqada madbacadu u baahnayd.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com