– Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay xeerkii u horeeyay ee loo sameeyo isgaadhsiinta dalka. Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu gudoominayay Ku simaha Guddoomiyaha ahna Gudoomiye Ku Xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, waxa ka soo xaadiray 77 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee Aqalkaasi ka kooban yahay.
Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay xeerkii u horeeyay ee loo sameeyo isgaadhsiinta dalka.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu gudoominayay Ku simaha Guddoomiyaha ahna Gudoomiye Ku Xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, waxa ka soo xaadiray 77 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee Aqalkaasi ka kooban yahay.
Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa soo jeediyay in Goluhu meel mariyo xeerkan si loogu gudbiyo Madaxweynaha si uu digreeto ugu soo saaro dhaqan gelkiisa.
75 Xildhibaan ayaa ogolaaday ansixinta xeerkan isgaadhsiinta oo indhaha lagu hayay isla markaana dad badani ay danaynayeen go’aanka Golaha Guurtidu ka qaadan doono. Waxa xeerkan diiday hal Mudane oo ahaa Xildhibaan Prof. Axmed Dirir Cali, Guddoomiyuhuna muu codayn.Golaha Guurtidu waxay u gudbinayaan Madaxweynaha Somaliland.
Mudaneyaashii u codeeyay ansixinta xeerkan ayaa ku doodayay in xeerkani uu ahmiyad weyn u leeyahay qaranka loona baahan yahay in la ansixiyo si loo dhaqan geliyo.
Xeerkan oo ka kooban 81 Qodob waxa ka soo hor jeedsaday oo hore u naqdiday shirkada ugu weyn shirkadaha isgaadhsiinta ee TELESOM oo ku dooday inay ku jiraan qodobo badan oo ka hor imanaya xeerarka,dastuurka dalka iyo shareecadda islaamka.
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa iyaguna hore u soo ansixiyay meel marintiisa in kasta oo ay ka yeesheen dood kulul oo ay ku kala aragti duwanaayeen.
maxamed faarax