Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Shaadi Cabdilaahi, ayaa kaalinta koowaad u galay 70 dhakhtar oo digree-gii koowaad ee culuumta caafimaadka ka qalin jabiyay jaamacad ku taalla dalka Itoobiya.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Shaadi Cabdilaahi, ayaa kaalinta koowaad u galay 70 dhakhtar oo digree-gii koowaad ee culuumta caafimaadka ka qalin jabiyay jaamacad ku taalla dalka Itoobiya.

Sidoo kale, 10-kii dhakhatar ee ugu sareeyay jaamacadaasi waxay 7 ka mid ahi noqdeen saraakiisha ciidanka qaranka ee deeqda waxbarasho ka helay dawlada Itoobiya.

Sidaasi waxa lagu sheegay war-murtiyeed uu maanta soo saaray Taliyaha Ciidanka qaranka Gen. Nuux Ismaaciil Taani, waxaanu war-saxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada wararka ee Somaliland.org u dhignaa sidan:-

“Bishan June ee aynu ku jirno 11-keedii waxa lagu qabtay guriga Raysal wasaaraha dalka Itoobiya xaflad balaadhan oo ay ka soo qeyb galeen marti sharaf badan oo ka socota dalka Itoobiya, Safiirro,Milatari Attach-yo iyo madax badan.

Xafladaasi waxa loogu xidhayay 70 dhakhtar oo dhamaystay waxbarasho caafimaad, Jamhuuriyada Somaliland waxay ku lahayd ardaydaasi toban dhakhtar oo ka tirsan ciidanka qaranka oo dhamaystay waxbarashadaasi oo qaadanayay Digree-gii koowaad (BS), dhakhatarkii ugu sareeyay jaamacadaasi ee galay kaalinta koowaad waxa weeye sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Shaadi Cabdilaahi, waxaanu qaatay bilad dahab ah waxaana u xidhay biladaasi Raysal wasaaraha dalka Itoobiya.

Waxa kale oo jira 10-ka dhakhtar ee ugu sareeyay waxbarashadaasi 7 ka mid ahi waa reer Somaliland,fagaarahaasi la isku arkay waxay dhakhaatiirtaasi uga soo hooyeen Somaliland magac iyo ammaan balaadhan.

Waxa kale oo jira laba arday oo kale oo dhamaystay kulliyada ciidanka lugta sanadkii 2008/2009 waxaanay qaateen iyaguna bilado dahab ah,haddana waxay ka tirsan yihiin saraakiisha ciidanka qaranka.

Taliyaha Ciidanka qaranku wuxuu u mahad celinayaa dawlada Itoobiya, gaar ahaan Taliyaha ciidanka Fadaraalka Itoobiya Gen. Samooro Yonis, waxa kale oo uu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa saraakiishaasi xilkoodii gutay ee magaca iyo sharafta u soo hooyay dalkooda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com