Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ku Xigeenka horjoogaha kooxda nabad diidka ah ee SSC, Cali Sabaray, ayaa ka waramay burbur iyo kala daadsanaan ba’an oo soo foodsaartay kooxdaasi,

Buuhoodle (maantaSomaliland.com)- Ku Xigeenka horjoogaha kooxda nabad diidka ah ee SSC, Cali Sabaray, ayaa ka waramay burbur iyo kala daadsanaan ba’an oo soo foodsaartay kooxdaasi, waxaanu qiray in cududa ciidamada Somaliland aanay u babac dhigi karin kooxdiisa oo uu sheegay in ay soo waajahday xaalad dhaqaale la’aan sababi karta burburka maleeshiyadiisa.
Cali sabaray waxa uu sheegay in uu daalay oo uu doonayo in cid kale kala wareegto xilka uu ka hayo SSC.

Ku xigeenka horjoogaha oo ku sugan magaalada Buuhoodle waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay shabakadda Internet-ka ee lasanod.com oo kamid ah baraha ay adeegsato kooxdani.
“Dagaaladii aanu ka wadnay way hakadeen sababo dhaqaale xumo, sidoo kale ciidamaddii Somaliland aad iyo aad ayay isku soo xoojiyeen oo waxay soo degeen degmada Widhwidh waxaana yimid afar guuto ilaa Laascaanood-na aad ayay u joogaan ciidamo degaanka ah waa lagu kordhiyay. Halgankii aanu wadnay waxa soo foodsaaray dhaqaale xumo, iyo masuul xumo,” ayuu yidhi Cali Sabaray, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Maamul Xumaddu waxay ka jirtaa maleeshiyada oo aan habaysanayn maamulkii oo kala maqan.
Hogaankii koowaad ee SSC iyo isimaddii ayaa ka abo baxay dalka dhawr bilood muddo laga joogo manay soo laaban walina wax dhaqaale ah iyo wax tallo ahna kama hayno.s idoo kale jaaliyaddii dibadu wixii ay nasiin jireen waxay ku ha kiyeen shirkii ay ku yeesheen London.”

Cali Sabarey waxa uu sheegay in uu daalay oo aanu sii wadi karin maamulka kooxda SSC waxaanu yidhi “Anigu waxaan qabaa in isbedel la sameeyo ciidanka Somaliland-na si adag ayuu iskusoo xoojiyay sidaasi darteed. Shakhsi ahaan waxaan jecelahay in cid kale maamulka gacanta ku dhigto anigu waanu daalay muddooyin adagna waanu, soo marnay

xadaari jaamac

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com