Fasalada guur-guura oo carruurta reer miyiga u saamaxday inay dhadhamiyaan waxbarashada iskuulka
Fasalada guur-guura oo carruurta reer miyiga u saamaxday inay dhadhamiyaan waxbarashada iskuulka
Qore Mike Pflanz
UNICEF/(maantasomaliland) 30 caruur ah ayaa waxay ku fadhiyeen haamo biyaha lagu shubto
oo caag ka samaysan iyo darmooyin la falkiyay iyagoo hoos fadhiya hadhka geed qodaxeed aan caleemo lahayn, iyadoo baalasha buugaagtooda wax lagu qortana ay marba dhinac u rogayso dabeyl qabow.
Meel hortooda ah macalimiinta ayaa laba sabuuradood oo lagu tiiriyey salka hoose ee geed cashar ku qoray. Mid ka mid ah sabuuradaha waxaa loogu talo-galey ‘fasalka’ ardayda dhowr iyo taban jirada ah, kan kalena carruurta yaryar.
Kasokow aragtida kulka hadheeyey dhamaan jihooyinka (Dhaan-dabagaalle) oo ay sabab u tahay cadceedda barqanimo ee isku sii shareeraysay cirka aan daruuraha lahayn, shanqadha kaliya ee la maqli karayay waxay ahayd dhawaaqa ri’ meel fog ka ciyaysay.
Waxaa laga yaabaa in uu u muuqdo iskuul billow ah, maxaa yeelay waa mid ku yaal meel banaan oo dusha ka furan, qalabka yaallaana uu yar yahay, laakiin hadana waa uun iskuul. In badan oo carruurta ka mid ahna waxay arrintani u tahay kacdoon markii ugu horeysay fursad u siinaya waxbarasho aasaasi ah.
Inta badan qoysaska ku dhaqan meelaha miyiga ah ee waddanka waxay noloshooda ku badbaadiyaan marka ay abaaruhu dhacaan inay safarro dhaadheer la galaan lo’da, adhiga iyo geela si ay u helaan biyo iyo baad.
Ilaa iyo hadda, tan macnaheedu waa in carruurtu ay mar mar dhif ah uun dhamayn jireen teeram buuxa oo waqtiga iskuulka ka mid ah – haddiiba ay iskuul bilaabeen- ka hor inta aysan iskuulka oo dhan isaga bixin si ay ula guuraan qoyskooda iyo xoolahooda.
Laakiin hadda waxaa la sameeyey nidaam cusub oo fasalo guur guura– kaasoo ah in sabuurad iyo macalin ay la socdaan caruurta oo ay ula guuraan meesha ay reer-guuraagu u doontaan cawska qalalan – ama iskuulada ardaydu ay iman karaan ama ka tagi karaan iyagoon lagu qasbayn in mar walba ay iskuulka dib usoo billaabaan.
Mashruuca lagu magacaabo “Qaababka ugu suurtagalsan ee Waxbarashada Asaasiga ah”, waxaa hirgalinteeda iska kaashaday Hay’adda Waxbarashada Afrika ‘Africa Educational Trust’ iyo UNICEF, waxaana maalgeliyey dawladda Ingiriiska iyadoo soo marisay Waaxda Hormarinta Caalamiga .
Hay’adan waxay gacan ka geysataa tababaridda macalimiinta, bixinta buugaagta daabacan iyo sabuurado la qaadan karayo, waxaana loogu talo-galay qaab furan oo lagu diiwaangelinayo ilmaha u baahan. Nidaamkan isaga ahi la iskama qaado wax kharash ah, sidoo kale looma baahna labbis iskuul iyo wax dhukuminti ah midnaba.
Suleiman Qaalib wuxuu si tartiib ah u barayaa xisaabta asaasiga ah fasalkiisa yaryar tuulada yar ee Bacaado, oo ah meel qiyaas ahaan maalin-galinkeed looga lugeeyo magaala madaxda Somaliland ee Hargeysa.
Meel isaga dhabarkiisa ah, koox ka kooban todobo wiil oo yara waaweyn ayaa waxay ka shaqeynayeen xisaab yara adag oo si fiican loogu qoray sabuuradooda korkeeda.
Dhammaan carruurta halkan wax ku barataa waa wiilasha iyo gabdhaha qaar ka mid ah bulshooyinka ugu saboolsan isla markaana ugu danbeeya dhanka hormarka.
Inta badan carruurtan waxaa qasab ku noqota inay waxbarashada joojiyaan marka ay abaaruhu dhacaan ama looga baahdo guryahooda.
“laakiin waa ay soo noqon karaan, maxaa yeelay habka waxbarashada ee aan raacayno ma
aha mid qallafsan waxaana ka shaqeynaa sidii aan ku caawin lahayn oo ay casharada ula qabsan lahaayeen,” Sidaa waxaa yidhi macallin Qaalib.
“Dabcan waxaan anigu doonayaa mid walba oo caruurtan ka mid ah inuu u gudbo dugsi sare , ilaa jaamacad, laakiin arrintani waa mid fog. Ugu yaraan halkan waxaan ku bari karnaa wax kooban oo aysan si kale ku heli karin.”
In badan oo ka mid ah carruurta wax ka barata iskuulka Bacaado, fasaladaan waxbarashada oo bilowday dabayaaqadii 2009, ayaa u ah waaya aragnimadoodii ugu horeysay ee dhanka waxbarashada. Inta badan waalidiintood waa dad aan waxna qorin waxna akhriyin.
“Maalin oo dhan waxaan la joogi jirey xoolaha, anigoo u raadinaya biyo iyo caws,” sidaa waxaa yidhi Cabdiraxmaan axmed oo ah 17 jir kana mid ah ‘ardayda iskuulka ee waaweyn’.
“hore uma jirin wax iskuul ah oo noo dhaw, suurtagalna iima ahayn inaan u safro si aan iskuul u raadsado maadaama ay qoyskayagu iibaahan yihiin. Hadda waxaa geedkan hoostiisa ah noogu yaalla iskuulkan, taasoo arrinta wax weyn ka baddashay sidii hore. Indhaha ayaan furay.”
si kastaba ha ahaatee weli waxaa jira caqabado. Way adag tahay inaad niyad iyo tamarba sii lahaatid markaad aragtid iyadoo ay carruurtu duruufo awgood uga baaqanayaan xiisado badan oo iskuulka laga dhigo.
Kuwa ugu firfircoon waxbarashada ee rajada ka qaba inay sii wataan waxbarashadooda, dugsiyada sare waxay inta badan ku kala filiqsanyihiin magaalooyinka ka fog meelaha xoola raacatada reer guuraaga ahi ay ku nool yihiin, qarashkuna waa mid badan.
Laakiin Maxamed Jaamac Bullaale oo ka tirsan Wasaarada Waxbarashada Somaliland wuxuu leeyahay, “ qiyaastii 40 ilaa 50 boqolkiiba carruurteenu ma heli lahayn waxbarasho nooc-kasta oo ay ahaataba haddii nidaamkan oo kale aanu jirin. Waa inaynu soconaa ka hor inta aynaan ordin.”
Natiijaduna waa mid isla markiiba la dareemayo.
Gudoon Maxamed oo ah gabadh 13 jir ah ayaa waxay sheegtay iyadoo kusii socota gurigooda kadib markii ay usoo dhamaatay waxbarashada fasalka si ay reerkooda ugu diyaariso qadada ,kadibna ay u foofiso riyaha“haatan waxaan qabtaa waxyaabo aanan weligay ku fikiri jirin inaan qaban karo.”
Waxay intaa ku dartay “waxaan awoodi karayaa inaan waraaqaha u akhriyo waalidkay, sidoo kale waxaan akhrin karaa fariimaha qoraalka ah ee lagu soo diro telefoonada gacanta,”.
“Waxaan kaloo akhrin karayaa warqadaha ku dheggan dawooyinka dushooda anigoo awood u leh inaan hubiyo in daawadu tahay midda la rabo oo aanay ahayn mid duugowday.
“Hadii weli aan sii wadi lahaa raacidda xoolaha oo kaliya, muxuu mustaqbalkeygu noqon lahaa? Haatan halkan ayaan joogaa oo aan wax ka baranayaa, waxaa fursad la ii siiyay mustaqbal kii hore ka duwan.”
faadumocabdi
hargaysa