Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasimaha Qorsheynta Dhaqaalaha Baanka Oo Berbera Kullan Kula Yeeshay Xawaaladaha Madaxa bannaan‏

Aggaasimaha Qorsheynta tirokoobka iyo falaaqeynta dhaqaalaha Baanka Somaaliland Maxamed Siciid dheere, ayaa saaka kulan kula qaatay xarunta banka berbera shirkadaha madaxa banana ee xawilaada lacagaha iyo sarifka iyo waliba shirkadaha ganacsiga, waxaana kulankan kasoo qeyb galay dhamaan shirkadaha xawaladaha iyo sarifka. ee ugu waaweyn magaalada berbera masuliyiintooda ugu sareya sida Dahabshiil.Isky exchange. Telsom. Oomaar companay iyo qaar kale oo tiro badan

Kalankan ayaa lagaga hadlaayay sidii ay wada shaqeyn buuxda u yeela lahaayeen Baanka Berbera iyo shirkadaha xawaaladaha lacagta iyo kuwa sariflayaasha ahi iyo waliba sidii loo soo celin lahaa habkii uu banku ula shaqeyn jiray shirkadaha xawaaladaha iyo kuwa ganacsiga ee private ka ah loona xakameyn lahaa sarifka lacagaha adage ee dhibaatada baahsan ku haya guud ahaan soomaaliland waxaanu sheegay aggaasimuhu in hirgalinta hawshani ay ka socoto dhamaan gobolada soomaaliland dhan isaga oo intaa ku daray in hirgalinta wada shaqeynta baananka iyo shirkadaha xawaaladaha iyo sarifka ee gaarka loo leeyahay ay wadaan maamulka banku iyaga oo masuuliyiintii banku ay isu qeybiyeen gobolada sidii loo wada gaadhsiin lahaa imikana uu kormeer ku soo maray g/saraar iyo togdheer waxaanu sheegay in uu goboladaas kulamo kula soo qaatay shirkadaha kuwan lamidka ah layskuna soo afgartay waxaana hadaladii agaasimaha kamid ahaa” waxaan halkan uga mahad celinayaa dhamaan ganacsatada ka soo qeyb gashay kulankan aniga oo uga mahad celinaya wakhtigooda qaaliga ah ee ay noo soo hureen iyada oo kolay ay wacan tahay wada shaqeyntu waxa intaa ii raacda hadaan kulankan dulucdiisa idiin soo gudbiyo waxa aanu baan ahaa doonaynaa sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen banka s/land iyo shirkadaha xawaaladaha iyo sarifka iyo kuwa ganacsigaba waxaana iyaduna aanu doonaynaa sidii loo xakameyn lahaa sarifkan suuqyada sixirka loo jarayo iyada oo bankii dawladu jiro waanaynu wada ogney dhibaatada uu bulshadeena ku hayo sarifkaa suuqu idinkana waxaanu idinkana idinka filaynaa in aad nala qaadan doontaa shaqada bankuna ma aha sidii hore oo isbedel baa lagu sameeyay tan aanu imika wadnaana waa isbedelka horaantiisii.

Masuuliyiinta shirkadaha xawaaladaha iyo kuwa sarifka ee kulanka ka qeyb qaadanayay ee acconada ku leh banka ayaa iyagu cabasho ugu gudbiyay agaasimaha iyaga oo ka cabaanaya khidmada laga qaado acconada iyo jeegagaba oo ay sheegen in isbedelo isdaba jooga ay xukumadii hore ku sameeyay (kordhin) wakhtigii ololihii doorashada waliba kordhinta inteeda badan la hirgaliyay wakhtigii ololaha doorashadii madaxtooyad iyaga oo yidhi imika waa la kala helay doorashiidiye khidmadaha ha nalaga dhimo oo dawladan cusub isbedelka ha ku darto waxaana sidaa sheegay maamulaha shirkada (Telsom)ee berbera Mustafe Cali (Cumar kujoog)

Dhankale waxa isna halkaa ka hadlay maamulaha shirkada (Dahabshiil)Keyd C/laahi Xandule oo sheegay in ay lacagta adagi inaga soo gasho sadex meelood hadii dawladu kaantaroosho sadexdaa meelood oo kala ah xawaaladaha.haayadaha ajinabiga ah iyo lacagta inaga soo gasha xoolaha debeda aynu dhoofino hadii ay dawladu sadexdaa kaataroosho sarifka waa loo tag heli bankuna wuu shaqeyn doonaa hadii kale waxba suuragalimaayan.

Gabagabadii waxa kulankaasi ku dhamaaday is afgarad waxaana kulanka gudoominaayay oo ganacsatada iyo aggaasimaha isqaabilsiiyay maamulaha banka berbera Cismaan C/laahi(Ilka case) isaga ayaan kulanka soo xidhay waxaanu u mahad celiyay masuuliyiinta shirkadaha xawaaladaha. Sarifka iyo ganacsiga sida wanaagsan ee ay uga soo qeyb galeen kulankaa.

.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com