Jan 14,2012 – Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo ka mid ah abwaanada da’yarta ah ee reer Somaliland ayaa caawa Munaasibad uu ku qabtay Magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay lix maanso oo mid walba dhankeeda ujeedo gaar ah u xambaarsan tahay.
Jan 14,2012 – Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo ka mid ah abwaanada da’yarta ah ee reer Somaliland ayaa caawa Munaasibad uu ku qabtay Magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay lix maanso oo mid walba dhankeeda ujeedo gaar ah u xambaarsan tahay.
Abwaan Weedhsame maansooyinka is-barkan ee uu xalay soo bandhigay ayaa waxa ka mid ah Maanso magaceedu yahay GUNAAD, taasi oo ka hadlaysa xaalada guud ee dalku ku sugan yahay iyo marxaladaha nololeed ee shacabka Jamhuuriyada haysta.
Maansada GUNAAD sidoo kale, waxay si dhab ah u taabaneysaa isla-markaana sawir ka bixinaysaa dhaqanada siyaasadeed ee xukuumadda Madawayne Axmed Siilaanyo, sharciga talada dalka u yaala oo ay ku sifeysay mid gacan siiya qofka hantiilaha ah, halka ay uu cagta hoostiisa galiyo muwaadinka liita.
Maansada Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ee magaceedu yahay GUNAAD ayaa ku bilaabantay sidan:
GUNAAD
Guubaabiyo maanso goola
Guul guul iyo hees garsheega
Saq-dhexe midho aan ka gooyey
Geedkii hal-abuur guddooma
Markaan raad-guray xaqiiqda
Runtana idhi golaha kaalay
Markaan xaajada gorfeeyey
Gaashaan u daruuray beenta
Bulshada gaaniyo cirroole
Markaan guray cabashadooda
Gunaad fooshaa dillaacay
Geedkii tuhunkaa qarqoormay
Guushii barashay u yeedhay
Giraantii hebel shan geesle
Afkuu dadku gacanta saaray
Heshiis lala galay dadweyne
Haddmaa laga guday ka yaabye.
Abaar geelii idlaaday
Geesleyna warkeed dhammaaday
Harraadna la geeriyooday
Dhulkana bari iyo galbeedba
Habaas gunbur leegi tuulmay
Waayeelkuna galangalcoobay
Dhallaan gosha lagu sidaana
Markuu gaajada la yeedho
Gaax baa maqan lagu sabaayo
Dadkoo roob doon guddoomay
Markuu guullaha ka tuugo
Inuu cirku godolka deexdo
Misana gafo uu hilmaamo
Rabboow gallad iyo mid khayrle
Hadduu miiraale guuni
Intuu candho-saabka gooyo
Gufaaciyo laydho keeno
Hadduu gaantey afuufo
Dhagxaan ganan soo darooro
Dadkana gabaddano ku dhaafo
Ruqaha sii wada galaafto
Raqdoo gigan kii ku toosay
Gabaabsiyo faraxu gaaggax
Markuu kaga soo af-goosto
Midhkuu gees maray yaqiinsay.
Malaha waa sida geddeenan
Indhoole dhirbaaxo gaadhay
Gabbaday ka gadaal ogaaday
Malaha waa sida geddeenan
Dalkii beri iyo galbeedba
Yaa sudhay gaaskiyo kabriidka
Yaa waday geedigan habaabay
Toloow gadhwadeenki meeye
Dalkaan isu gee u dhaarshay
Sawkani gobol gobol u qaybsan
Duqii gaadhiga kaxeeyey
Markii guuruhu bilaabmay
Dadkoo guradiisa saaran
Loollina guudkeed maraaya
Waa kii gam’ay ee lulooday
geerkiyo shookaan biriigga
waakii gacmahaba ka qaaday
markuu gebi dheer ka tuuray
rakaabkii biday garaadku
markuu goonyaha ka daatay
waa kii isagoo gamaarsan
shilkaa guddi culus u saaray!!!
Sharcigan wadhatada ganaaxa
Wasiirkana gool u looga
Sharcigan gabay maatadiisa
Af-miishaarkana gunneeya
Sharcigan kii galay abaalka
La gawdhshee gebagebeeya
Sharcigan lagu guulwadeeyo
Sharcigan uu gado macdaarku
Sharcigan geneyoow agoonta
Gidaar seexshee gumeeyey
Sharcigan kii ginida haystay
U siiyey dan-guud badheedhka
Sharcigan nabadana u guuxa
Wixii gubayana jideeya
Sharcigan beentuna gef weyntay
Runtana gurigeeda biiyey
Sharcigan dadka lagu gabraarto
Dantoodana dhacan ku giijay
Sharcigan geerida ka ooya
Haddana noloshii galaaftay
Sharcigana gaarida ammaana
Goonbaartuna derejo dhaanto
Sharcigan dusha laga gudboonyey
Salkana lagu kala gol-roonyey
Sharcigan booliga gasiinta
Xalaashana tola galkeeda
Sharcigan geed weyn ka soomay
Gudmaha yacaygana u haysta
Sharcigan horumarka gardaadsha
Haddana himiladu gamaarto
Sharciga guushana u heesa
Haddana aan dhalinin goolka.
Sharciga saddex gole ka kooban
Haddana guri qudhi istaadho
Sharcigan kud markaad ka guurto
Qanjaha loo galab carraabo.
Sharciga jajabkii gumaaday
Sharciga gabankiisa toogta
Sharciga ii qoda gammaada
Sharciga galladiyo abaalka
Rasaas ku gudee la eeday
Sharciga garanwaaga beera
Sharciga gofanaha barbaarsha
Sharciga gudhan ee gabloolay
Bal eeg goldalooladiisan
Inaad garataa canaantay.
Sidii saca giir dadweyne
Gondaal lagu sabo la eedye
Hadduu dadku kuu garsheegto
Hadduu tabashada gadoodo
Garwaaqisigu waa sed weyne
Gunuuskiyo yuuska jooji.
Dadkoo gofanuhu ka haagay
Wax-qabad gaanana sugaaya
Jihayn iyo talo u goomman
Hadduu gurgurshaa ku moodo
Hadduu aamino goshaada
Intuu soo guro caleemo
Hadduu ubax kugu gedaamo
Guddoon ku idhaa hankiisa
Ha odhan wada gebi-dhacleeya
Ha odhan wada gala siyaasad
Ha odhan wada kala go’dooma
Ha odhan jilib jilib u goosta
Ha odhan wada gura xashiishka
Ha odhan guddi baan u saaray
Gebliyo ha u tumin ciyaaro
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa
harbi_31@hotmail.com
tel 25224052413