Wasaarada Tamarta & Macdanta oo heshiis sahamin shidaal la saxeexday shirkad Shiine ah
Wasaarada Tamarta iyo Macdanta ayaa heshiis lagu sahaminyo deegaano ka tirsan dalka la gashay shirkada laga leeyahay dalka Shiinaha, si ay uga faa’iidaystaan shirkadaha hawlaha shidaal-baadhista ka wada Somaliland.
Wasiirka Tamarta & Macdanta Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo shalay heshiiska kula saxeexday shirkada BGP Inc, xarunta wasaarada ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada heshiiskan,“Annagoo wasaarada Tamarta & Macdanta waxaanu kala saxeexanay shirkada BGP ink oo shirkada ugu weyn uguna muuqaalka dheer oo 44 wadan caalamka ka shaqeysa ay wasaaradu u igmatay inay ka qabato dalka. Heshiiskani waa mid u fasaxaya iyagoo wasaarada u shaqeynaya inay dalka ka qabato hawlo sahamin shidaal dhulka ah gobolo ka mid ah dalka.
Wasiir Eng Xuseen Cabdi ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay soo dhoweyaan, iska markaana la shaqeeyaan hawsha wasaarada Tamartu u igmatay shirkada BGP, axaanu yidhi,“Hawshan waxay bilaabmaysaa laba bilood iyo badh dabadeed, waxaan ugu baaqayaa shacabka Somaliland inay isgarab taagaan horumarka inoo soo kordhaya, ee la rajaynayao inuu wax wanaagsan inoo soo kordhiyo, deegaanada hawshan laga qabanayo waxaan leeyahay waa inaad soo dhoweysaan oo ku duceysaan in Ilaahay innagu guuleeyo.
Agaasimaha Guud ee wasaarada Tamarta, Mr. Siciid Axmed Jibriil, oo xaflada saxeexa ka hadlay ayaa yidhi,
“Mahad dhamaanteed Ilaahay ayey u sugnaatay, maanta noo suurtageliyey inuu innagu simmo sahamin shidaal lagu samaynayo gobolo ka tirsan dalka, oo fulinayso shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.
Mr. Lie Wieping, Guddoomiye-xigeenka shirkada BGP Inc ee barriga Afrika oo hadal ka jeediyey xafladii saxeexa heshiiska ayaa yidhi,
“Sannadka 2016 waa mid muhiim u ah BGP Somaliland, waa fursad muhiim ah, iyo farxad inaan joogno lana saxeexano heshiiskan sahaminta shidaalka wasaarada Tamarta. Waa ii sharaf anigoo metelaya BGP, inaan soo dhoweyno fursadan iyo aaminaada ay na siiyeen wasaarada Tamarta iyo Macdanta.
Hawshan sahaminta shidaalka shirkada BGP Inc dhowaan dalka ka bilaabi doonto ayaa la saadaalinayaa inay ka soo baxaan macluumaad badan oo dhamaan shirkadaha danaynaya maalgashiga shidaal-qodista dalka ka faa’iidaystaan.