Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

AL-SHABAAB oo ku Hanjabay inay sii Wadayaan Dagaalada Muqdisho

AL-SHABAAB oo ku Hanjabay inay sii Wadayaan Dagaalada Muqdisho

Muqdisho(Yool/Wakaaladaha)-Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, ayaa shalay ku hanjabay in ay sii wadi doonaan dagaalada ay ka wadaan Magaalada Muqdisho ee ay kula jiraan Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM xili ay ku soobiireen ciidamo farabadan oo ka tirsanaa Xisbul Islaam.

Kadib shir jaraa’id oo shalay si wada jir ah ay ugu qabteen Masjidka Nasrudiin ee Magaalada Muqdisho, Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage iyo Madaxii Warfaafinta Xisbul Islaam Sheekh C/fitaax Max’ed Cali islamarkaana ay ku shaacinayeen midowgii Xisbiga iyo Al Shabaab ayaa halkaasi afhayeenka Al Shabaab waxaa uu ka sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.

Labada Masuul ayaa halkaasi waxaa ay ka aqriyeen bayaano ku kala qornaa luuqadaha Carabiga iyo Soomaaliga, kuwaasi oo lagu cadeynayay qaabka ay u midoobeen Xarakada Al Shabaab iyo ururkii Xisbul Islaam, waxaana Sheekh Cali Dheere oo halkaasi ka aqriyay bayaanka ku qornaa afka carabiga uu ku hanjabay in iyagoo kaashanaya awoodaani cusub ee haatan ku soo biirtay ay sii laba jibaari doonaan dagaalada ay kula jiraan dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM.

Sidoo kale Masjidka ay warbaahinta kula hadleen saraakiishaani ayaa waxaa ku sugnaa Masuuliyiin horay uga tirsanaa Xisbul Islaam balse la midoobay Shabaab markii Sheekh Xasan Turki uu ku biirayay kuwaasi oo uu ka mid ahaa Sheekh Max’ed Dulyadeyn kaasi oo halkaasi ka sheegay in Al Shabaab aysan waxba u arki doonin Taangiyada iyo ciidamada ay soo badsanayaan AMISOM islamarkaana ay casharo lama iloobaan ah ay u dhigi doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Cali Dheere afhayeenka Al Shabaab ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in Al Shabaab ay dhawaan qabsan doonto guud ahaan Magaalada Muqdisho islamarkaana ay xabsiyada ka sii deyn doonaan dad badan oo uu sheegay in dowladda KMG ay ugu xiranyihiin si cadaalad daro ah.

Waa markii ugu horeysay ee AL Shabaab iyo Xisbul Islaam ay si toos ah u shaaciyaan isku biiridooda hase ahaatee Masuuliyiintii Maanta shirka jaraa’id qabatay ma aysan faah faahin habka loo qanciyay Masuuliyiinta Xisbul Islaam oo wararka qaar ay sheegayaan in hubkii laga dhigay.

Lama oga in Al Shabaab ay magdhow ka siin doonaan Xisbiga Saraakiishii ay ka dileen intii ay xiisado kala dhaxeysay, waxaana sidoo kale la ogeyn sida daacadnimada ah ee Ciidamadii Xisbul Islaam ay uga bar bar dagaalami karaan Al Shabaab maadaama ay ku jiraan qaar iyagu qudhooda aan ku qanacsaneyn ku biiritaanka Al Shabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com