Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidanka Booliska oo Raad Goobaya Masuuliyiin Ku Eedeysan Lunsi Hanti Qaran‏

Xubnaha la Raadinayo waxa ka mid ah Maayarka Iyo Xoghayaha Fulinta D/Hoose Gabilay
Gabilay-Ciidanka Booliska ee magaalada Gabilay ayaa ku dabo jira lix xubnood oo Maxkamada Gobolka Gabilay waaran u jartay ka dib markii Hanti dhawrku ku soo eedeeyay inay lunsadeen hanti lacageed oo aad u badan. Masuuliyiintan waaranka soo qabashada loo jaray waxay isugu jiraan saraakiil ka shaqayn jiray xiligii xukuumaddii Rayaale iyo kuwo hadda ka shaqeeya dawladaha Hoose ee Gabilay, Wajaalle iyo xafiiska cashuuraha bariga ee gobolkaasi.
Masuuliyiintan oo afar ka mid ahi ay ka tirsan yihiin dawlada Hoose waxa ka mid ah Maayarka Gabilay Aadan Muxumed Badde, Xoghayaha fulinta dawlada Hoose Axmed Maxamed Afay iyo xoghayihii hore ee dawlada Hoose ee Gabilay, halka labada masuul ee kalena ay ka kala tirsan yihiin xafiiska cashuuraha barriga ee Gabilay iyo dawlada Hoose ee Wajaale. Amarka soo qabashada lixdan xubnood ayaa xiisad ka abuuray magaalada Gabilay waxaana masuuliyiintaasi ay daba galiyeen qabaa’ilka ay ka soo jeedaan. Ma jirto illaa imika cid Boolisku gacanta ku dhigeen waxaana la sheegay in xubnaha waaranka loo jaray ay ku dhuumanayaan gudaha magaalada Gabilay iyo caasimadda Hargeysa.
Hawl galkan ayaa ka dhashay baadhis xoog leh oo koox hanti dhawreyaal ahi ay muddo ku baadhayeen laamaha dawlada ee gobolka Gabilay, waxana sida ilo ku dhow dhow hanti dhawrku ay tibaaxayaan in masuuliyiintaasi ay lunsadeen lacag aad u badan oo aan la sheegin xadigeeda. Waxaanay hawl galka baadhista ahi ay wadeen illaa 29-kii bishii November ee la soo dhaafay. Waxaana markii ay baadhista soo gabo gabeeyeen Maxkamada ka dalbaday in la soo xidho Hanti dhawraha guud ee qaranka Maxamuud Dheere. Hanti dhawraha guud Md. Maxamuud Dheere oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo arrintan waxase uu sheegay inuu maanta ka hadli doono baadhistoodan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com