Boqorkayow hee dheh Gabaygan waxa curiyay ha u naxariistee halabuurkii iyo cabqarigii aftahammada Soomaaliyeed, Cabdi Iidaan Faarax (Hanqadh). Cabdi Iidaan, Alla ha u naxariistee, waxa uu tixdan curiyay mar ay si xaqdarro ah u xidhay dawladdii uu horjoogaha ka ahaa Keligii-taliyihii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre.
Tixdani waa Alle bari iyo duco xeel dheer oo muujinaysa addoonnimada badhaxa tiran iyo sida qof Alle wakiishay aanu marnaba u hungoobi karin. Waxay muujinaysaa in awood kasta oo awood
is bidday ay awoodda Rabbi ka weyn tahay, ka xeel dheer tahay, kana xaqiiqsan tahay. Waxay kale oo ay muujinaysaa midnimada iyo kelinnimada Rabbi, sida aan marnaba looga kaaftoomi karin, sida baryadiisu u tahay cibaado nololeed oo uu Alle waajibayay iyo sida ay cibaadadaasi u suurtogalin karto badbaadada adduunyo iyo tan aakhiro labadaba. Waxa kale oo ay iftiiminaysaa daciifnimada addoomaha iyo sida aanay u yihiin wax aan addoommo dhaafsiisnayn.
Gabaygan waxa curiyay ha u naxariistee halabuurkii iyo cabqarigii aftahammada Soomaaliyeed, Cabdi Iidaan Faarax (Hanqadh). Cabdi Iidaan, Alla ha u naxariistee, waxa uu tixdan curiyay mar ay si xaqdarro ah u xidhay dawladdii uu horjoogaha ka ahaa Keligii-taliyihii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre. Kaddib muddo dheer oo uu xabsiga ku jiray, talisku wuxuu Cabdi Iidaan u soo bandhigay in si xorriyaddiisa loogu soo celiyo uu soo qorto arji uu cafis ku weydiisanayo nidaamka. Waxay ahayd tabo bahdilaad ah oo uu maamulkaasi u adeegsan jiray haldoorka iyo mudanka bulshada ee aragtidiisa ka hor yimaadda, isla markaasna ay dar badani dabinka ugu dhici jireen. Laakiin abwaan Iidaan kuma dagannin ee waa ku gacan saydhay, waxaanu arji muraaddadiisii ka ambabaxaya u qortay Allaha weyn ee wax kasta awooda. Arjigaasi waa Gabaygan idin hor yaalla oo la baxay “Boqorkayow!”
Haddii aad dhuuxdo ereyada miisaanka leh iyo macnaha ku lifaaqan, waxa maankaagu ku tusi karaa dareennadii iyo xaaladihii adkaa ee uu gabaygaasi ka soo dhex mudhay. Waxa kale oo aad ka dhex heli kartaa addoonnimadii qotada fogayd ee Alle ha u naxariistee Cabdi Iidaan Faarax. Dhaxalka dulmiga iyo sida cid kasta oo qalabkaas nolosha u adeegsataa aanay kob caano leh uga soo durdurin karin ayaad sidoo kale ka dhex arki kartaa.
“Boqorkayow”waxay tidhi:
Ilaaha loo baahanyee aan baahanninow, Boqorkayow hee dheh,
Ilaaha weligi baaqiga noqdoow, Boqorkayow hee dheh,
Ilaaha aan xaq lagu beeninninow, Boqorkayow hee dheh,
Bini aadmi waa meel soke’e, Boqorkayow hee dheh,
Ilaahii dartii lagu baryayow, Boqorkayow hee dheh,
Ilaaha deeqsinnimo loo baxshayow, Boqorkayow hee dheh,
Ilaahii Waaxidnimo loo bartayow, Boqorkayow hee dheh,
Ilaahii dunida baaraxa khalqayow, Boqorkayow hee dheh,
Ilaaha inuu burburin sheegayow, Boqorkayow hee dheh,
Birtii culus Allaha kala jabshow, Boqorkayow hee dheh,
Ilaaha ciidankii badanyahow, Boqorkayow hee dheh!
Bar Janno iyo Cadaabtuu khalqiga, ugu bushaareeyey,
Badhba meelu geeyaba markuu, kala boqoolsiiyo,
Ilaahii laba u kala baydhiyoow, Boqorkayow hee dheh,
Bidhaantii kastaba kii arkoow, Boqorkayow hee dheh,
Bad wax mara berriga waxa jiriyo, buuro dabadooda,
In bogliyo in baabbaca dhigtiyo, baalka lagu duulo,
Bushimo nool Allaha quudiyoow, Boqorkayow hee dheh!
Biyo oday intuu iga khalqiyo, biliq yar oo dhiig ah,
Bilcan dumar ah uurkeed intuu, igu barwaaqeeyey,
Barna aniga oon qabin isaga, oon igu bukaysiinnin,
Ilaaha nolosha igu soo baxshoow, Boqorkayow hee dheh!
Baabbaca addoon baan dhigtee, Boqorkayow hee dheh,
Boqolkaaga magac ee mid la’, yaan baaqa maqashiinne,
Allow xadhigga sahal iiga bixi, kuu baryootAMYE