Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waxa bishan February 22da la qaban qaabinayaa bannaan bax weyn magaalada madaxda Ingiriiska ee London oo ujeeddadiisu tahay in la taageero qaddiyadda gooni isku taagga Jamhuuriyadda Somaliland.daawanaayoow waa dalkaagii warsaxaafadeed

Daawanaayow waa Dalkaagii” War-saxaafadeedka banaan baxa Londo

Waxa bishan February 22da la qaban qaabinayaa bannaan bax weyn magaalada madaxda Ingiriiska ee London oo ujeeddadiisu tahay in la taageero qaddiyadda gooni isku taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Qurbo joogga Somaliland ee UK waxa lagu war gelinayaa inay ka soo qayb galaan isku soo baxan.

Waxaynu haysanaa fursad aynu caalamka iyo dowladda Ingiriiska ugu sheegayno:

a. In madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay muqaddas, lama taabtaan, gorgortanna aany gali karin.
b. In isku darkii labada dal ee Somaliland iyo Somaliya ee 1 July 1960 uu noqday faashil, dibna aan loogu noqonayn.
c. In ay dan u tahay Somaliya iyo caalamka intiisa kaleba in la ixtiraamo gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland.
d. In TFG-da Somaliya iyo shacabkeeduba soo af jaraan riyada ah in faashilkii hagardaamada lahaa ee isku darku soo noqonayo.

Qurba joogga Somaliland ee UK ishaa haysa. Waxa soo eegaya saddex milyan iyo badh reer Somaliland ah oo waddankii jooga. Waxay dhowrayaan bal sida ay wax uga gaystaan qaddiyadda gooni isku taagga JSL maanta oo ay fursad u haystaan.

Cid allaale ciddii is leh ka soo qaybgalka Jamhuuriyadda Somaliland shirka lagu qabanayo London 23ka bishan waxbuu ka bedelayaa himiladeenna, waxaannu u diraynaa farriin cad oo culus. Haddaba ka soo qayb gal isku soo baxan London ee bishan Feb 22da aan ku sheegayno inaynaan qaladkii lixdankii dib u samaynayn.

Waxa laga yaabaa in maalinta bannaan buxu (22da February) ay noqoto dhaxan, inuu roob da’ayo, inuu baraf da’ayo. Waxa laga yaabaa inaad kun iyo kow sababood aad haysato oo aad kaga baaqato isku soo baxan taariikhiga ah. Waxaadse ka fikirtaa inay malaayiin qof ku soo eegayaan oo ay dhawrayaan baalka aad ka gali doonto taariikhda. Sababtoo ah maanta waxad haysataa fursad aad caalamka ugu sheegto rabitaanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Dalkaagii adigaa matalaya. Cid kale ha ku eegin.

Taariikh ahaan waddanka UK waa waddanka kaliya ee ay jaaliyadda reer Somaliland ee deggan qurbuhu ugu badan yihiin uguna taariikh dheer yihiin. Maanta oo in ka baddan 40 dal madaxdoodu ay shirkan UK imanayaan si ay uga hadlaan arrimmaha la xidhiidha Somaliya oo si toos ah amma si dadbanba saamayn ugu yeelan kara qaddiyadda JSL, waa inaan cududdeenna tiro iyo cududdeenna tayaba muujinnaa.

Fadhi iyo fuud yicibeed la isla waa. Waan fadhiyayaa oo Somalliland waxan rabaa in la aqoonsado socon mayso. Somaliland waxay halis u tahay cadow fara badan. Ha la bakhaylin inaad ka soo qayb gasho isku soo baxan.

Allah ayaa mahad leh.

Wixii faahfaahin dheraad ah kala xidhiidh Guddiga Qabanqaabada Isku soo baxa London ee 22da February 2012. Mobile 07961 131014 ama 07947 030522.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com