Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

UDUB waa nadiifiyey,waxaanu safka hore keenaynaa dhalinyaro, Anaguna dib isu taagno”daawo sawirada

Burco(maantaSomaliland.com):- Weftigii uu hogaaminayey Ku simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasin oo beryahanba safar hawleed ku marayey gobolada Bariga ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, sida uu ku soo waramay weriye Mustafe Janaale oo weftigaas la socda.

Weftigan miisaanka Culus oo laga dareemay imaashiyahooda

Burco(aantaSomaliland.com):- Weftigii uu hogaaminayey Ku simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasin oo beryahanba safar hawleed ku marayey gobolada Bariga ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, sida uu ku soo waramay weriye Mustafe Janaale oo weftigaas la socda.

Weftigan miisaanka Culus oo laga dareemay imaashiyahooda Magaalada Burco waxa uu ka kooban yahay Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md.Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne),Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Md. Maxamuud Siciid Maxamed,Badhasaabka hore ee Gobolka Maroodijeex Maxamed Cabdi Daa’uud,Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Abiib Filfil,Guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta ee Xisbiga UDUB Maxamuud Cabdi Mallow,xubno isugu jira Golaha dhexe iyo guddida fulinta ee Xisbiga UDUB iyo marti sharaf kale.

Badhasaab kuxigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samater oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey Weftiga balaadhan ee Xisbiga UDUB ee muddooyinkii ugu danbeeyey safarka hawleed ku marayey Gobolada Barri iyo weliba soo dhaweynta taageerayaasha Xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer iyo dadweynaha reer Burco ku qaabileen Weftiga uu hor-kacayo Axmed Yuusuf Yaasin.

Guuleed Daahir waxa uu sheegay inay dadka reer Togdheer si weyn u tabeen Xisbiga UDUB, isla markaana uu dalku wakhtigan marayo meel halis ah. “Waxaan idinku bushaareynayaa inaanu Xisbiga UDUB ahayn Xisbi baaba’aya, basle muddadii uu tallada dalka hayey waxa uu soo qabtey wax baddan.khilaafkaya yar ee ka dhex jirana way dhameynayaan iyaga oo gacmaha is-haysta ayey inagu soo noqonayaan.Ciddi inamay bedelin dalkii iyo tacliintii ayaa inoo ooyaya, jaarkii ayaa inoo ooyaya, dalkii ayaa halis ku jira”.Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer Ayaanle Cismaan Ibraahim ayaa u mahad-celiyey taageerayaasha Xisbiga UDUB iyo dadweynaha reer Togdheer sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen weftiga Xisbiga ee muddooyinkii ugu danbeeyey safarka ku mareyey gobolada barri.

“Mudane guddoomiye adiga iyo Weftigaaga waxaan idinku soo dhaweynaynaa Magaalada Burco,..Imika waxaynu u diyaar-garoobaynaa doorashada golayaasha deegaanka ee fooda inagu soo haya,waxaynu doonayna sidii aynu mar labaad xukunka Somaliland u hannan lahayn,waxaanan soo jeedinayaa in la ilaaliyo midnimada, walaalnimada Somaliland oo aynu ku soo caano-maalnay”.Ayuu yidhi Ayaanle Cismaan Ibraahim.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Md.Abiib Filfil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey dadweynihii tirada badnaa iyo masuuliyiinta gobolka sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen,waxaanu yidhi “Tani waxay ina siinaysa kalsooni dheerad ah,waana ta aanu ugu soo dhiiranay gobolka Togdheer Xisbigayagan UDUB.Muddadii aanu idinka maqnayn waxaanu qireynaa barnaamijkii aanu ku maqnayn ee xisbigu ku jirey ku soo tallogalka iyo taabogelinta iyo soo anbabixinta aanu iska soo anbabixinaynay barnaamijkii aynu ku hawligali lahayn ee aynu saaxada hogaaminta mar labaad tallada dalka ugu qaban lahyn oo ah qorshixii uu xisbigu raaci lahaa.”

Isagsa oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Iskama-naan hurdin ee xisbiga UDUB way liicdaaye ma jabto, UDUB doorashadii (Madaxweynanimada) waa laga helay,laakin way soo noolaatey way soo baxday”.Ayuu yidhi Ayaanle,waxaanu intaasi ku darey in xubnihii berigii hore hogaaminayey Xisbiga UDUB ay imika noqonayaan nus-danbeedka Xisbiga ee halka danbe ka talinaya.”

Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodijeex Md. Maxamed Cabdi Daa’uud oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey taageerayaasha Xisbiga UDUB iyo dadweynaha reer Togdheer sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen weftigooda, waxaanu yidhi “UDUB may dhuuman oo lamana waayin,UDUB waatii 20-ka sanadood soo taagnayd, UDUB waatii dalku halka uu maanta marayo soo gaadhsiisay, UDUB waatii dimuqraadiyada keentey,UDUB waatii xukun-wareejiska nabadgelyada ku dhisan sameysay,UDUB been laguma aqoonin, laakin wax la tab-karo oo la arki karo oo ishu qabato oo ay ilaa maanta ku dhaadanayso ayaa lagu yaqaanay,balanta UDUB-na noqon meyso been, codka isii noqon mayso, balse waxay noqonaysa mid xaqiiqada ku dhisan.”

<
Wasiirkii hore ee Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md.Maxamuud Siciid Maxamed ayaa waxa uu u mahad-celiyey dadweynaha reer Burco iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu yidhi “Soo dhaweynati waxay muujinaysa weli inay shacabku kalsoonidii Xisbigoodi asaasaha nabadda Somaliland (UDUB) ay weli tabayaan,waxaanan mar labaad idin leeyahay ruug cadaagii idiin soo rogaal-celi.Maanta hawsha ugu weyn ee ina sugaysa waxa weeyaan in Xisbiga UDUB qabyo-tir lagu sameeyo, in la soo xulo xubnihii xulka kowaad ina gelin lahaa ee Golaha deegaanka inooga qeybgeli lahaa”.

“Waxaan soo dhaweynaynaa dhalinyarada waxgaradka ee haweenka iyo wiilasha inay saxaadda Siyaasada soo galaan,Xisbigana waan ku soo dhaweynaynaa,ilaa gobolada bari ayaanu soo marnay oo Xisbiga UDUB waa loo baahday,annagana yididiilo fara baddan ayaa na soo gashay”.Ayuu yidhi Maxamuud Siciid Maxamed.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md.Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhwey) ayaa ku bogaadiyey taageerayaasha Xisbiga UDUB iyo dadweynaha reer Burco ee sida wanaagsan u soo dhaweeyey. “Xisbiga UDUB waxa lagu shubay dhiig cusub oo waxa la galay wakhtigii dhalinyarada qofkii aqoonteeda iyo waayo aragnimadeeda leh ee adduunka wax ka soo goyn kara inaad taageertaan u diyaargarooba……Si wanaagsan ayeynu u qaadanay in nala lagdo oo nalaga badiyo arrintaasna adduunku wuu inagu amaanay…UDUB way dhici taqaana wayna toosi taqaana, manaaha markasta xil-doon oo tartanka ayey ka qeybgalaysa haddii ay ummadu u aragto inuu daawo u yahay codka ayey siin doonta, haddii ay u arkaan inaanay ku haboonayn ahlan-wasahlan”.Ayuu yidhi.

Kusimaha guddoomiyaha Xisbiga UDUB ahna Guddoomiye kuxigeenka Xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasin oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey taariikhda iyo waxqabadkii ay ku talaabsatey muddadii ay xilka haysay Xisbiga UDUB “Ciddii Ciidanka qaranka iyo Ciidanka booliska Somaliland asaastey waa UDUB, shuruucda lagu dhaqmayo iyo Dastuurka Somaliland ciddii sameysay waa UDUB,doorashadii ugu horeysay ee Golayaasha deegaanka ciddii suurtagelisay waa UDUB, doorashadii labaad ee Madaxtooyada ciddii suurtagelisay waa UDUB, tii Wakiillada UDUB ayey ahayd, Markaa UDUB waa hooyadii Axsaabta oo dhan”.

“UDUB-kii maanta dib ayaa loo culay,wixii xar ahaa waa laga nadiifiyey,waxaanu safka hore keenaynaa waa dhalinyaro,waxaanu go’aansanay inaanu annagu dib isku-taagno oo ay meesha yimaadaan niman firfircoon oo awood leh oo yaacaya ay meesha yimaadaan, oo aanu annagu wixii tallo iyo tusaale ah siino,…Waxay UDUB u baahan tahay cid majaraha iyo taaga ka saarta”

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ku dooday in ciddii danaynaysa UDUB ay soo saarta oo taageero buuxda siisa, isla markaana si muwaafaqo leh u wada socda “Ninkii ILAAHAY u qoreyna wuu imanaya oo madaxweyne ayuu noqonayaa, kii kalena noqon-maayo.”.Ayuu yidhi, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu tilmaamay in Xisbiga UDUB uu awoodiisa siinayo dhalinyarada iyo haweenka si uu u soo baxo ayuu yidhi Xisbigu.

Magaalada Burco waxa uu ka kooban yahay Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md.Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne),Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Md. Maxamuud Siciid Maxamed,Badhasaabka hore ee Gobolka Maroodijeex Maxamed Cabdi Daa’uud,Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Abiib Filfil,Guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta ee Xisbiga UDUB Maxamuud Cabdi Mallow,xubno isugu jira Golaha dhexe iyo guddida fulinta ee Xisbiga UDUB iyo marti sharaf kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com