Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta albaabada loo xidhay ka dib markii mudaneyaasha Golahaasi isku maan-dhaafeen mooshin ay 25 Mudane aqalkaasi hor-geeyeen oo ay ku dalbanayaan in xilka lagaga xayuubiyo Xoghayaha Guud ee Guurtida Cabdilaahi Ibraahim Habane (C/Laahi dheer) oo ay ku eedeeyeen musuqmaasuq iyo inuu maroorsaday awoodii shir-gudoonka.+sawr

 

Hargeysa (maantaSomaliland. com)-Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta albaabada loo xidhay ka dib markii mudaneyaasha Golahaasi isku maan-dhaafeen mooshin ay 25 Mudane aqalkaasi hor-geeyeen oo ay ku dalbanayaan in xilka lagaga xayuubiyo Xoghayaha Guud ee Guurtida Cabdilaahi Ibraahim Habane (C/Laahi dheer) oo ay ku eedeeyeen musuqmaasuq iyo inuu maroorsaday awoodii shir-gudoonka.

Fadhiga Guurtida ee maanta oo uu gudoominayay Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, ayaa ku bilaabmay buuq iyo bulaanka Mudaneyaasha Golaha oo aragtiyo kala duwan ka muujiyay mooshinkaasi.

Mudanayaasha doonaya inay xilka ka qaadaan xoghayaha golaha ayaa ku eedey xoghayaha inuu hanti lunsaday,mudanayaasha watay mooshinka ay doonayeen inay xilka kaga qaadaan xoghayaha Golaha Guurtida ayaa waxa is hortaagay xillka qaadistiisa Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre waxaanu qadar qeylo iyo buuq ah ka dib ku dhawaaqay in fadhigu xidhan yahay.

Kulankaasi ka dib ayaa xubno ka tirsan Golaha Guurtidu ka hadleen khilaafkii xidhay fadhigooda.
Xildhibaan Jaamac Faarax (Riyo) ayaa eedo u soo jeediyay shir-gudoonka waxaanu ku dooday in aqalka odayaashu hagaasay, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waad arkayseen saaka in Golahan muran iyo buuq weyni ka dhashay oo uu dhaliyay khilaafka dhex yaala Golaha dhexdiisa, oo uu sabab u yahay shir-gudoonka Golaha Guurtida. waxa laga warqabaa in Golahani uu hagaasay oo burbur uu qarka u saran yahay oo waxa uu gudan kari waayay shaqadisii dastuuriga ahayd iyo hawlihii uu qaranka u hayay oo waxa masuulka ah shir-gudoonka.”

Xildhibaan Jaamac Riyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shir-gudoonka ayaa hagaya iska hor imaadka ka dhextaagan golaha dhexdiisa. Marka mudanayaashu xaqbay u leeyihiin inay soo jeediyaan wixii feker kooda ah, waxa la soo gudbiyay warqad 25 Mudane ku saxeexan yihiin oo dhan ka ah ama lid ku ah xoghayaha golaha guurtida oo ay mudanayaashu ku doodayaan inay la shaqayn kari waayeen xoghayaha.”

Sida oo kale waxa isna ka hadlay Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed, ayaa sheegay inuu golahani yahay gole dhaqan
“Waxa weeye Goluhu waa gole odayaal iyo gole dhaqan. Waligiiba intii uu jiray arrimihiisa waxa uu ku xalin jiray oo kaga tashan jiray gudihiisa, haddii wax jiraan iyo haddii dhaqaale maqan yahay isaga ayaa isa-saxa.”Ayuu yidhi Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed.

Xildhibaanku waxa uu hadalkiisii sii raaciyey “Raggan kale ee dhinacan ka hadlaya ee mooshinka wadata waxaanu leenahay haynu wanaag ku saxno oo Xoghaya Golaha Guurtida ee Cabdilaahi Dheere waxa xukuma shir-guddoonka oo waxa noo dhaxeeya shir-guddoonka.”

r maxamed faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com