Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay isku waafaqeen dalka masar inay iska kaashadaan Somaliland. Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay kulan balaandhan oo uu maanta xafiiskiisa kula yeeshay wefti ka socday dalka Masar oo uu Hoggaaminayay la Taliyaha safiirka Masar u fadhiya Jabuuti Maxamed binu Marwaan.daawo sawirada

Hargeysa (maantSomaliland.com)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay isku waafaqeen dalka masar inay iska kaashadaan Somaliland.

Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay kulan balaandhan oo uu maanta xafiiskiisa kula yeeshay wefti ka socday dalka Masar oo uu Hoggaaminayay la Taliyaha safiirka Masar u fadhiya Jabuuti Maxamed binu Marwaan.

Wasiirka oo kulankaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan jecelahay inaan si diiran u soo dhaweeyo weftiga balaadhan ee ka socda dalka Masar ee aanu walaalaha nahay khaasatan Maxamed Ibnu Amiir oo safiirka Masar ee dalka Jabuuti oo dhawr jeer oo horena halkan noogu yimid farxad weyn ayay noo tahay socdaalkooda xiligan. Masar waa dal aynu walaalo nahay oo muddo dheerna dalkan Somaliland uu xidhiidh aad u dheeri ka dhaxeeyay oo la xidhiidha dhinacyada dhaqanka iyo waxbarashada .”

<
“Waxaan aad ugu faraxsan nahay xidhiidhka imika ka dhaxeeya Somaliland iyo Masar oo imika xoogaystay ka dib markii dawladaha Masar iyo Somaliland wada hadalo toos ahi dhex mareen. Waxaan uga mahad celinayaa socdaalkii aanu ku tagnay dalkaasi oo aanu la kulanay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin wasaaradda arrimaha dibadda iyo Wasiirro kale, waxana nuxurkii aanu kulamadayadiina waxay ahaayeen in labada dal wada yeeshaan xidhiidh aad u adag.”

“Waxaanu halkan u fadhinaa wefti masar uga yimid sidii xidhiidhkaasi loo hirgelin lahaa oo ay ka mid tahay in dawlada Masar ay dhisto maxtabad lagu barto dhaqanka carabta iyo luuqada carabigaba. Taasi waa guul weyn oo aanu uga mahad naqayno dawlada Masaaridda gaar ahaan safaaradaha dalkaasi ee Jabuuti iyo Nairobi,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.
Wasiirku wuxuu sheegay inay koox dhakhaatiir ah oo ka socota dalka Masar ay adeeg caafimaad ka fuliyeen Hargeysa, waxa kale oo uu xusay inay deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah ay Masar siin doonto ardayda reer Somaliland.

Md. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inay ka wada hadli doonaan masaarida iskaashiyo kala duwan oo ku wajahan dhinacyada Ganacsiga iyo xoolaha ah.

“Waanu soo dhawaynaynaa xidhiidhka aanu la leenahay dalka Masar, waxaana aanu dhawaan shirkii midowga afrika isku aragnay mar kale Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi oo aanu halkaasi ka sii ambo qaadnay xidhiidhka labada dal,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Dhinaca kale, la Taliyaha safiirka Masar u qaabilsan wadanka Jabuuti Maxamed Binu Marwaan oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland.
Maxamed Binu Marwaan waxa uu sheegay in xidhiidhka labada dal uu isa soo tarayo oo ay Somaliland iyo Masar, waxaanu tilmaamay inay iska kaashan doonaan dhinacyada Waxbarashada iyo ganacsiga.

La Taliyaha safiirka masar u fadhiya Jabuuti waxa uu sheegay inay hadda u socdaan dhismaha maktabadda weyn oo ay ka dhisayaan magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, waxa kulankaasi lagu kala saxeexday heshiiska dhismaha maxkatabadda masaaridda..

xuseen xarbi

maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com