Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa Hanti-dhawraha guud ee qaranka ka dalbatay inuu baadhis maaliyeed ka bilaabo wasaaradaasi, si wax looga ogaado eedihii musuqmaasuq ee uu shalay Wasiirka ku eedeeyay agaasimihii guud ee is casilay Maxamuud Raage Ibraahim.warsaxaafadeed
Hargeysa (maantSomalialnd.com)-Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa Hanti-dhawraha guud ee qaranka ka dalbatay inuu baadhis maaliyeed ka bilaabo wasaaradaasi, si wax looga ogaado eedihii musuqmaasuq ee uu shalay Wasiirka ku eedeeyay agaasimihii guud ee is casilay Maxamuud Raage Ibraahim.
Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo caawa ka soo baxay xarunta wasaaradda arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, kaasi oo u dhignaa sidan:-
“Ka dib markii ay Wasaaraddu wada heshay hadaladii uu bixiyey Mudane Maxamuud Raage Ibraahim Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee uu kaga hadlay Maamul xumo uu sheegay inay ka dhacday Warasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay wasaaradu goosatay talaabooyinkan:-
Waxaa la codsaday in xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku bilaabo Hubin Xisaabeed iyo Maamul oo looga golleeyahay xaqiijinta eedaynta uu soo jeediyey Agaasimihii hore ee Wasaaradu.”
xuseen xarbi
hargaysa/maantasomaliland