Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Cali Maxamed Waran-Cadde o uu arimahaa iyo arimo kale kaga hadlay ayaa u dhignaa sedan “Laalidii qodobadii sharciyeed ee dabarka u ahaa bulshada iyo Dowladda somaliland waxaa ka dhalanaya arrimo arrimo xasaasi ah oo wax yeelo weyn u geysanaya gooni isu taaga somaliland .

 War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Cali Maxamed Waran-Cadde o uu arimahaa iyo arimo kale kaga hadlay ayaa u dhignaa sedan “Laalidii  qodobadii sharciyeed ee dabarka u ahaa bulshada iyo Dowladda somaliland waxaa ka dhalanaya arrimo arrimo xasaasi ah oo wax yeelo weyn u geysanaya gooni isu taaga somaliland .

Arrimaahaasi oo ay ka mid yihiin:

– waxaa bilaabantay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta , Madax dhaqameedyada iyo bulshada inteeda kale oo ka  soo jeeda Goboladda iyo degmooyinka somalliland qaarkood ay cabashooyinkooda la tagayaan SOMALIYA , ayagoo ku doodaya in ay u tageen sidii dhibaatooyinka Somalia oo Somaliland ka mid tahay loo xalin lahaa.

– In ay meesha ka baxeen sharcigii laga baqanayey ee dabarka u ahaa qofkii ka qayb gala arrimo khuseeya Somaliya.

-In bulshaweynta caalamka ee aynu ka rajeyneynay Ictiraafka somaliland ay u fahmaan in doonista shacabku ay meesha ka baxday maadaama uu baarlamkii laalay qodobadii sharciga ahaa.

– In ay abuuri karto kala shaki ka dhex dhasha Shacabka reer somaliland iyo xukuumadooda. oo keeni kara isku dhac iyo nabad galyo darro.

– In ay magdhow ina weydiiyaan dadkii lagu waxyeeleeyey sharcigan hadda  la laalay iyadoo aanay meesha ka bixin baahidii keentay in  lagu fuliyo shacabka reer somaliland ee eega dhinaca somaliya.

– In kuwa hadda u hanqal taagaya ka mid noqoshada arrima somalia aanay meesha ka muuqan sabab loo  dhibaateeyo mar haddii meesha laga saaray sharcigii qaban lahaa.

Arimahan sida dhibka yar loo laalay iyada oo aan waxba laga weydiin bulshada reer somaliland ee boqolkiiba 97% u codeysay XAMAR MAYA. Waxaa hubaal ah haddii aanu Baarlamanku dib-u-eegis ku sameyn qodobadan uu laalay,

in dhamaantood ay raad xun ku reebi kara bulashada reer somaliland ,

Sidaa awgeed waxaan u soo jeedinayaa labada Gole ee wakiilada iyo guurtida in si xikmad iyo caqli ku jiro ay dib u eegis ku sameeyaan qodobada la laayey iygoo kala tashanaya Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Sidoo kale waxaan Xukuumada u soo jeedinayaa in ay deg deg wax uga qabato dhalinyaradda Reer Somaliland ee dhagarta ay ka gashay dowlad ku sheegta Xamar oo dib uga boobtay kaalmadii waxbarasho ee ay ka heleen dalka Turkiga, iyadoo aan Nasiib darro ku tilmaami karo cidii markii horeba dayacday caruurteena ee inagoo toos u weydiisan karna Dowladda Turkiga in Ardaydiina ay toos uga qaadaan Airporka Hargeisa, Xamar geysay.

waxaana  ku boorinayaa in dowladda ardaydaasi ay ka soo qaado Xamar , isla markaana ay ka bixiso kharashkii ay ku tagi lahaayeen dalkii ay ka heleen deeqda wax barasho

rasna maxamed

hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com