Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Jaaliyadda Jabuuti ee Somaliland Mr. Siciid Maxamuud (Doobirro), ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedaymo uu u jeediyey Daahir Axmed faarax (daaf) oo u waramay wargeyska ogaal ee ka soo bax magaalada hargeysa waxuu gudoomiyuhu sidaasi ku sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa warkan uu baahi yey wargeyska Ogaal ayaa, , lagu sheegay,inuu ismaaciil cumar geele ku hawulan yahay sidii uu Somaliland uga dhex samayin lahaa maamul goboleediyo wakaasi ayaa,mr doobiro ayaa,hadalkaasi ayaa, waxuu ku tilmaamay, mid riqiis ah isle markaana uu mr( daaf)uga dal leeyahay inuu ku kala fogeeyo labada shacab ee Jabuuti iyo Somaliland ee xidhiidhka walaaltinimo ka dhaxeeyo, isla makaana uu uga gol leeyahay dane siyaasadeed.

Hargeysa (maantasomaliland.com)- Guddoomiyaha Jaaliyadda Jabuuti ee Somaliland Mr. Siciid Maxamuud (Doobirro), ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedaymo uu u jeediyey Daahir Axmed faarax  (daaf) oo u waramay wargeyska ogaal ee ka soo bax magaalada hargeysa  waxuu gudoomiyuhu sidaasi ku sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa warkan uu baahi yey wargeyska Ogaal ayaa, , lagu sheegay,inuu ismaaciil cumar geele ku hawulan yahay sidii uu Somaliland uga dhex samayin lahaa maamul goboleediyo  wakaasi ayaa,mr doobiro ayaa,hadalkaasi  ayaa, waxuu ku tilmaamay, mid riqiis ah isle markaana uu mr( daaf)uga dal leeyahay inuu ku kala fogeeyo labada shacab ee Jabuuti iyo Somaliland ee xidhiidhka walaaltinimo ka dhaxeeyo, isla makaana uu uga gol leeyahay dane siyaasadeed.

Mr. Doobirro waxa uu ku eedeeyey daahir axmed daaf  inuu yahay masuul ku fashilmay inuu dalkiisa iska dhex sharraxo oo uu u tartamo hoggaaminta siyaasadeed ee Jabuuti, kaas oo caddaystay inuu aflagaado iyo borobagaando dalka dibadiisa ka yidhaahdo, isaga oo Doobirro tilmaamay inuu yahay nin shacabka Somaliland iyo Jabuutiba ninay aqoon buuxda u leeyahay, waxaannu intaas raaciyey inuu xaal ka siinaayo labada shacab ee Somaliland iyo Jabuuti hadalada ka soo yeedhay MrDaahir Axmed faarax Daaf

Mr. Doobirro waxa uu aad ugu ammaanay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle in uu dalka ka hirgeliyey dimuqraadiyad iyo tartan doorasho xor iyo xalaal ah, isaga oo tilmaamay in doorashadii ugu dambaysay ee Golaha Degaanka Jabuuti ay ku guulaysteen xisbiyada mucaaridku, waxaannu ku hambalyey dawladda Jabuuti sida wanaagsan ee doorashadaas ay u hirgelisay.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Jabuuti ee Somaliland Mr. Siciid Doobirro waxa uu ugu baaqay Mr.Daaf inuu ka waantoobo hadalada muujinaaya cadaawada uu u qabo shacabka Jabuuti, isla markaana uu sida raga dhiggiisa ah ee mucaaridka uu dalkiisa ka hawlgalo, dibad wareegana iska daayo, waxaannu u soo jeediyey saxaafadda Somaliland inay ka fiirsadaan waxyaabaha kala fogaynaaya labada shacab.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com