Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Masiibooyinka Dhaca Waa Mid Bani’aadamku Sabab U Yahay

Masiibooyinka Dhaca Waa Mid Bani’aadamku Sabab U Yahay

Barkhad-ladiif M. Cumar

Masiibooyinka dhaca waa mid bani’aadamku gacmihiisa ku gaysto, isagoo dhaadin waxa ay bari iman doona, ayuu ficilo dulmi iyo bani’aadmiga ka baxsan ku talaabsadaa.

Inta uu bani’aadmiga iska ilaalinayo isla markaana aanu xasuusnayn in uu ilaahay arkayo ayuu ku kaca waxyaalo aan fiicnayn.

Qisooyinku waxa ay jilciyaan qalbiga ingagay, quraanka waxa ku badan qisas, iyadoo lagaga sheekaynayo qolooyin bari hore noolaa iyo sababta halaagooda ka dambeysay, adiga waxay ku tahay cibro, waxaana lagu xasuusinayaa in aanad ku kicin waxaas lagaga digayo oo uu Ficilkaasi xun yahay.

Qisooyinka noocaas ahi waxay hadyad u yihiin inta ilaahay hanuuniyey, qiso kasta oo dhacda waxay ku qotontaa mucjiso rabaaniya oo lagaaga digayo, waxa loogu tallogalay in ka toosan lagu toosiyo, ka halowsan lagu hadeeyo, ka qafalka ku jira lagu baraarujiyo.

Aayad quraan ah ayaa macnaheedu ahayd “ masiibo ma dhacdo haddii ay dhacdana waa mid ay gacmihiina kasbadeen weeyi”, wax wal oo dhaca waa mid aynu kasbanay, iyadoo waliba ilaahay wax badan inaga dhaafayo, oo inala saayirayo.

Haddii qof wal oo dambi gala markiiba la ciqaabi lahaa cidi kumay hadheen koonkan aynu ku nool nahay, waayo dhamaanteen waxaynu ku kacnaa ficilo aan rabi ogolayn, laakiin Ilaahay waa dul badane u dulqaata dambiyada faraha badan ee bani’aadmigu galo, mar uu u kasay iyo mar aanu u kasinba, reer Caad maxaa dabeesha loogu saliday, reer Samuud maxaa loo rogay, luud maxa dhulka loogu gooyey, farcoon maxa loo caraqay, intaasiba waxay ina tusaysaa ficilo aan rabi ka raali ahayn oo lagu kacay.

Bal akhriste u fiirso qisadan, waxaad dareemi nolosha dhabta ah waxay tahay:

Faarax waa aabo xaas leh, waa nin iska ladan oo si fiican u shaqaysta, nolol heersare ahna iskaga nool, wuxuu qabay xaas wanaagsan oo ubad jecel oo la yidhaa Faadumo, muddo shan sanno ayeyna ubad isku dhalin, aduuna waxay ugu jeclayd caruur ay dhasho si ay noloshu ugu dhandhanto.waxay mar walba ku fikiraysay sidii ay hooyo u noqon lahayd, ilaahay ayey bari jirtay.

Nasiib wanaag, hooyo Faadumo muddo ka dib waxay dareentay in caloosheeda ilmo galay, markii ay dhakhtarka tagtayna waxa loo sheegay inay uur leedahay, farxad iyo badhaadho ayey gashay, cid walba way u sheegtay, iyadoo ilaahay ugu shugri naqaysa.

Muddo ka dib hooyadii waxay dhashay ilmo waxa loo bixiyey Maxamed, inkastoo ilmihii ay dhashay lagu jeexay, oo xanun iyo rafaad ay kala kulantay..

Sidaa darteed, waxay Faadumo ninkeegii u sheegtay in aanay shaqayn karin ee ay shaqaale qabsato, isna wuu ku raacay.

Waxay heshay islaan weyn oo danyar ah oo xaafadaha u shaqaysa, islaantii markii ay muddo shaqayanysay, ayey Faadumo u sheegtay in aanay shaqayn karin oo ay qof weyn tahay, sidaa darteed, ay hayso inan yar oo u shaqaynaysa, isla markaana ay iyadu muddo tobabari doonto sida guriga loogu shaqaynayo.

Hooyo Faadumo way yeeshay, Inantii yarayd ee ay dhashay islaantii danyarta ahayd ayaa inanteedii yarad ku tobabartay shaqadii, waxay la joogtay muddo ku siman labaatan cisho, oo ay wax walba tusaysay iyo sida loo shaqaysto.

Inanta yar waxay ahayd inan aad u qurux badan, isla markaana 17 jir ah, marka ay guriga imanayso aad ayey isku soo qurxin jirtay.

Hooyo Faadumo ayaa ninkeegii uga baqatay inantan yar ee quruxda badan ee is qurxinaysa, sidaa darteed ayey ninkeedii u sheegtay oo ay tidhi ha iska tagto, inantan yare ee mar walba isa soo qurxinaysa, haseyeeshee, ninkeedii Faarax ayaa ka dalbaday inay iska joogto, intay iyadoo nadiif ahayn inala joogi lahayd, iyadoo qurux badan oo nadaafad badan ha inala joogto ayuu ku dooday, wayna ka aqbashay.

37 maalmood marka ay u shaqaynaysay ayey Faadumo (hooyadii guriga lahayd) xanuunkii ilmaha ay ka qaatay ku xanuunsatay, ka dibna way soo kici kari wayday, faarax aroor walba marka uu sii baxayo wuu sii bariidayaa, oo woxogaa ayuu maaweeeliyaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar

E-Mail:barkhadladiif@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com