Wefti ka tirsan Gudida Diiwaangelinta ururada siyaasadda ee Somaliland ayaa kormeer ku soo maray xafiisyada ururada siyaasaddu ku leeyihiin xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Ceerigaabo (maantaSomaliland.com)- Wefti ka tirsan Gudida Diiwaangelinta ururada siyaasadda ee Somaliland ayaa kormeer ku soo maray xafiisyada ururada siyaasaddu ku leeyihiin xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Weftigan oo uu horkacayo Afhayeenka gudidaasi Xasan Axmed Ducaale (Xasan-Macalin) ayaa kormeerkooda ku qiimaynaya xarumaha ururada siyaasadda ee dhawaan la diiwaangeliyey, waxaanay saaka kormeer ku soo mareen xafiisyada ay ururudu ku leeyihiin Magaalada Ceerigaabo.
Weftigan ayaa waxay u kuurgaleen hanaanka ay gobolkaasi uga dhisan yihiin ururada siyaasadda iyo halka uu taagan yahay dhaqdhaqaaqa xarumahoodu.
Madaxa weftigaasi Xasan Macalin ayaa sheegay in natiijada qiimaynta kormeerkoodan ku aadan xog ogaal u noqoshada xafiisyada ururada siyaasadda ee hawlgalay & kuwa gaabisku ku jiro la shaacin doono marka ay hawshu ka soo gebagebowdo dhamaan gobolada & degmooyinka dalka.
Sida la ogyahay Weftigan ka tirsan gudida diiwaangelinta & Qiimaynta ururada siyaasadda ayaa kormeer kan la mid ah waxay hore ugu soo mareen Gobolka Togdheer , waxana ay u sii gudbi doonaan gobolka Sool marka ay dhamaystaan hawlahooda kormeer ee ay xilligan ku joogaan gobolka Sanaag.