Raysal-Wasaaraha Itoobiya Oo Faro-galin Qaawan Ku Sameeyay Somaliland, Saraakiil Xaqiiqo Raadin Ahna U Diray Deegaanadii Ay ku Dagaalameen Ciidamada Qaranka Iyo Maleeshiyaadku.
Buuhoodle – Magaaladda Buuhoodle oo xarun u ah Maleeshiyaadka Somaliland diidka ah ee dagaalada dhowrka jeer la galay ciidamada Qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay Isniintii todobaadkan yimaadeen saraakiil Itoobiyaan ah.
Saraakiishan reer Itoobiya oo aan ilaa hadda si dhab ah loo ogeyn ujeedada ka dambaysa socdaalkooda Buuhoodle, ayaa la sheegay inay kormeero dhowr ah ku sameeyeen deegaanada ay joogaan Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, kormeerkaasi oo la sheegay inuu ahaa inay ogaadaan dhab ahaan khasaaraha ka dhashay labadii dagaal ee u dambeeyay ee jiidaasi ku dhex mara ciidamada qaranka iyo Maleeshiyaadka reer Buuhoodle.
Saraakiishan ayaa la sheegay inay si toos ah uga yimaadeen xafiiska Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Melez Senewi, waxaana la tilmaamay inay sidoo kale la kulmeen shakhsiyaad door ah oo ka mid ah hogaanka bulshada reer Buuhoodle, inkasta oo aan la garanayn waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Mid Ka Mid Ah Waxgaradka reer Buuhoodle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saraakiishaasi ahaayeen kuwo laga soo diray xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya, iyaguna geeyeen meelo ay u baahnaayeen inay tagaan oo ka mid ah deegaanadii lagu dagaalamay “Nimankaasi waxay ahaayeen kuwo laga soo diray xafiiska raysal-wasaaraha Itoobiya oo xaqiiqo raadis ah” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markaa wixii ay na waydiiyeena waanu uga jawaabnay meelihii ay doonayeen inay tagayeena waa la geeyay”
Imaanshiyaha saraakiishan Itoobiyaanka ah ayaa ah faro-galin qaawan oo dawlada Federaalka Itoobiya ku samaysay dhulka Somaliland, inkasta oo labada dal xidhiidh leeyihiin, haddana sida muuqata Maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee reer Buuhoodle ayaa dawlada Itoobiya aanay u aqoonsanayn inay yihiin dad reer Somaliland ah oo cadhooday, balse waxay ula macaamilaysaa sidii maamul jira oo dagaal ka dhaxeeyo dawlad kale.
rasna maxamed faarx