Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dhismaha Wasaarada duulista iyo hawada Somaliland oo uu muddo ka hor guddida qandaraasyadu naadiyeen in la iibinayo isla-markaana tartan ay u galeen shirkado badan oo Wadani ahi ka dibna ay ku guulaysatay shirkadda shidaalka ee National Fuel Station oo bixisay lacag ka badan $ 800,000 doolar, ayaa maalintii qandaraasku dhammaaday waxa wasaarada ku bilaabmay kiro, taasi oo shirkada iibsatay ay masuuliyiinta wasaarada kaga kireysay $ 1500 doolar bishiiba.ilaa hadan mudo lix bilood ah aanay bixin masuuliyiinta wasaaradu lacagtaasi kirada ah

Wasaaradda duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland oo iibisay dhismaha ay ku jirto ayaa waxa muddo lix bilood ah  ku baaqatay kirada dhismahaasi.

Dhismaha Wasaarada duulista iyo hawada Somaliland oo uu muddo ka hor guddida qandaraasyadu naadiyeen in la iibinayo isla-markaana tartan ay u galeen shirkado badan oo Wadani ahi ka dibna ay ku guulaysatay shirkadda shidaalka ee National Fuel Station oo bixisay lacag ka badan $ 800,000 doolar, ayaa maalintii qandaraasku dhammaaday waxa wasaarada ku bilaabmay kiro, taasi oo shirkada iibsatay ay masuuliyiinta wasaarada kaga kireysay $ 1500 doolar bishiiba.ilaa hadan  mudo lix bilood ah aanay bixin masuuliyiinta wasaaradu lacagtaasi kirada ah

Warku waxa uu intaa ku darayaa in masuuliyiinta Wasaarada duulista Hawada ee dhismaha ay iibiyeen hadda kirada ku yahay aanay kiradaasi bixinin muddo lix bilood ah oo ay ku jirto wakhti dheeraad ah oo wasaaradu heshiis kula gashay mulkiilaha dhismaha iibsaday inay bixinayaan kiradeeda, balse sida ilo wareedyo xog-ogaal ahi u sheegeen Waaheen aanay mudadaasi oo noqonaysa lix bilood aanay bixin masuuliyiinta Wasaaraddaasi.

Masuuliyiinta Wasaaradda duulista ayaa la sheegay in aanay iska bixin kirada lix bilood oo bishiiba tahay $ 1500 doolar, taasi oo isku geyn noqonaysa $ 9000 doolar

Dhanka kale, ilo-wareedyo kale ayaa sheegaya in Wasaaradda duulista oo la doonayey in lacagta lagu iibiyey dhismaha hadda kirada ku ah inay ku dhisato dhisme cusub oo dabaq ah ay wasaarada maaliyadu qayb ka mid ah mushahar ahaan u siisay ciidamada qaranka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com