Weftigii Shirka London oo qaybi Addis Ababa u baxday, Siilaanyo oo 18 ka bisha Nairobi u duulaya iyo dhaliilaha ka muuqdaiyo wasiirka madaxtooyada oo markii ugu horaysay ka hadhaya madaxwaynaha socdaalkiisan iyo baratakoolkii oo qasaniyo magacyada qaar ka mida ah dadka ka qayb galaya
Hargeysa (maantasomaliland.com) – Wefti ka kooban Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran, Wasiiro, Xildhibaano Guurtida iyo wakiilada ah iyo ganacsto ay xukuumaddu u xushay inay ka mid noqdaan wufuuda Somaliland shirka London uga qayb-galaysa ayaa shalay u ambo-baxay Magaaladda Addis-Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.
Weftigan oo ay ka mid yihiin Guddoomiyayaasha xisbiyadda UCID, Kulmiye iyo waliba Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiradda Warfaafinta iyo Xanaanada xoolaha Somaliland, ayaa Magaaladda Addis-Ababa u tagay inay ka sii qaataan fiisaha ay ku tagayaan dalka Ingiriiska, gaar ahaan Magaaladda London oo uu ka dhacayo shirka dawlada Ingiriiska u qabanayso kooxaha Soomalida.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in weftigan oo sidoo kale ay ka mid yihiin Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen (Cabdi-Waraabe), Xildhibaan Cabdilaahi Dhugad, Cabdilaahi Siciid Yaasir oo ka wada tirsan golaha Guurtida iyo waliba Maxamuud Axmed Obsiiye iyo Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo iyaguna ka mid ah Mudanayaasha golaha wakiilada, ayaa la sheegay in marka ay safaarada dalka Ingiriiska ee Addis-ababa ay ka qaataan fiisaha ay ku dhoofayaan ay toos ugu duuli doonaan Magaaladda London, isla-markaana ay ka sii horeyn doonaan weftiga Madaxwaynaha.
Weftigan oo ay sidoo kale ku jiraan Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, iyo ganacsade Maxamed Baarjeex, ayaa waxa aan ku jirin cid si gaar ah loogu xil-saaray amaanka Madaxwaynaha, iyadda oo ay wax caam ah tahay in marka Madaxwayne qaran uu ka qayb-galayo shir caalami ah loo baahan yahay inay ku lamaadaan saraakiisha takhasuskoodu yahay amaanka, balse weftigan Addis-ababa shalay u baxay ayaa ku kooban xubno siyaasiyiin u badan.
Weftigan shalay baxay waxa iyaguna ka sii horeeyay afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf iyo Mujaahid Cali Xasan Maxamed (Cali Guray) oo aan ilaa hadda la garanayn sifo ay ku tageen.
Dhanka kale, 18-ka bishan oo ku beegan maalinta sabtida ah ee todobaadka soo socda ayaa Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hogaamin doono wefti ka kooban wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxwaynaha iyo waliba Marwada koowaad ay ka dhoofi doonaan Magaaladda London Hargeysa, iyadda oo la sheegay in weftiga Madaxwaynuhu uu si toos ah u taggi doono Magaaladda Nairobi oo la sheegay in urur goboleedka IGAD uu shir aan ujeedadiisa la ogeyn ku qabanayo.
Ugu dambayn, weftigan oo la doonayo inuu noqdo wefti Somaliland oo dhan ka kooban ayaa waxa la sheegay inuu isaguna London ku sugayo wasiiru-dawlaha arimaha dibada Dr Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo ka mid noqon doono madaxda shirka London ka qayb-galaysa