Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wefti ka socda golaha baarlamanka ee dalka Jabuuti oo ka kooban shan xubnood ayaa maanta socdaal hawleed oo qaadan doonta afar maalmood ku yimid Caasimada dalka ee Hargaysa. shantan xildhibaan oo dhamaantoodba ah haween waxa garoonka diyaaradaha ee Cigaal international Airport ku qaabilay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane C/Casiis Maxamed Samaale , Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Sharci dejinta Somaliland,Shaqaale hoosaadka golaha Wakiilada iyo Xubno ka socday dallada ay ku bahoobeen ururadda haweenka ee NAGAAD.

 

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Wefti ka socda golaha baarlamanka ee dalka Jabuuti oo ka kooban shan xubnood ayaa maanta socdaal hawleed oo qaadan doonta afar maalmood ku yimid Caasimada dalka ee Hargaysa.

shantan xildhibaan oo dhamaantoodba ah haween waxa garoonka diyaaradaha ee Cigaal international Airport ku qaabilay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane C/Casiis Maxamed Samaale , Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Sharci dejinta Somaliland,Shaqaale hoosaadka golaha Wakiilada iyo Xubno ka socday dallada ay ku bahoobeen ururadda haweenka ee NAGAAD.

Madaxa Weftigan ka socda baarlamanka Jabuuti Xildhibaan Caasha Maxamud Rooble oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramaysay warbaahinta ayaa ujeedada socdaalkooda ku tilmaantay xidhiidh isbarasho oo dhex mara labada baarlamaan ee Somaliland iyo Jabuuti.

Waxa kale oo ay xustayi in labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti uu ka dhexeeyo Xidhiidh Walaaltinimo iyo mid darisnimo.

Xildhibaan Caasha Maxamud Rooble waxay sheegtay inay tahay markii u horaysay ee haween ka tirsan baarlamanka dalkaasi ay booqasho ku yimaadaan Somaliland isla markaana ay kulan la yeelan doonaan Haweenka ka tirsan Golayaasha sharci dejinta Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada kana wada hadli doonaan arrimo badan oo taabanaya nolosha haweenka.

Xildhibaan Caasha waxay sheegtay in loo baahan yahay in la iska kaashado wax ka qabashada dhibaatada gudniinka fircooniga ah,waxaanay intaas ku dartay inay ku faraxsan tahay inay markii u horaysay booqasho ku yimaadaan Somaliland.

Geesta Kale Xildhibaan Baar Siciid oo ka tirsan golaha Wakiilada iyo Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa sheegay inay Shantan haween ee ka tirsan baarlamaanka dalka Jabuuti ay ku soo dhawaynayaan Somaliland oo ah dalkoodii labaad.

Waxaanay xuseen in natiijada booqashadan ay u arkaan mid sii kobcinaysa xidhiidhka wax wada qabsi ee u dhexeeya labada wadan iyo gaar ahaan labada gole baarlamaan, waxaanay intaas ku dareen inay tahay markii koowaad ee haween ka tirsan Baarlamanka Jamhuuriyada Jabuuti ay Socdaal ku yimaadaan.

maantasomaliland.com

hargaysa

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com