Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Guddoomiyaha xafiiska siyaasadda iyo xidhiidhka Goleyaasha Madaxtooyadda Somaliland Bashiir Cabdi Xariir iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dakhiliga Somaliland Cabdilaahi Xuseen Cigge, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hudheelka Hadhwanaag ee magaaladda Hargeysa jawaab kaga bixiyay hadalo xukuumadda loo jeediyay oo ka soo yeedhay Agaasimihii is casilay ee wasaaradda Khaarajiga Maxamuud Raagge iyo Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee KULMIYE C/Raxmaan C/Qaadir.

 

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Guddoomiyaha xafiiska siyaasadda iyo xidhiidhka Goleyaasha Madaxtooyadda Somaliland Bashiir Cabdi Xariir iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dakhiliga Somaliland Cabdilaahi Xuseen Cigge, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hudheelka Hadhwanaag ee magaaladda Hargeysa jawaab kaga bixiyay hadalo xukuumadda loo jeediyay oo ka soo yeedhay Agaasimihii is casilay ee wasaaradda Khaarajiga Maxamuud Raagge iyo Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee KULMIYE C/Raxmaan C/Qaadir.

Guddoomiyaha xafiiska siyaasadda iyo xidhiidhka Goleyaasha Madaxtooyadda Bashiir Cabdi Xariir oo ugu horayn ka hadlay shirkaasi ayaa ka xog-waramay xilgudashada madaxweynaha waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland wuxuu shaqada bilaabaa 7:00 subaxnimo illaa 9:00 subaxnimo madaxweynuhu wuxuu ku shaqeeyaa xafiis yar oo uu ku leeyahay Guriga sare ee madaxtooyadda, halkaasi wxuuu ku diyaariyaa dhammaan qoraaladda xafiiskiisa soo gaadhay kuwa laga laga jawaabayo iyo kuwa cid kale loo gudbinayo. Madaxweynuhu wuxuu 9:30-ka subaxnimo wuxuu u soo daadegaa xafiiskiisa hoose ee uu sida rasmiga ah ugu shaqeeyo. Madaxweynuhu wuxuu ummadda u shaqeeyaa 9:30 subaxnimo illaa 2:00 duhurnimo, waxaanu maalin walba qaabilaa masuuliyiinta qaranka, xisbiyadda siyaasadda iyo dadweynaha. Maadaama oo qarankani yahay mid curdin ah wuxuu madaxweynuhu wixii salaada makhrib ka dambeeya hawl-galka habeenkii ayaa bilaabmaa oo hawlaha waaweyn ayaa halkaasi lagu lafo-guraa.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in xafiiska Madaxweyne ku xigeenkuna uu hayo shaqo aan ka yarayn ta madaxweynaha waxaanu yidhi “Xafiiska Madaxweyne Ku xigeenku kama hawl-yara ka madaxweynaha, waxa jira hawlo- gaar ah oo uu u hayo madaxweynaha, waxa jira in masuuliyiinta qaranku wixii hawl ah ee ay u arkaan inuu madaxweyne ku xigeenku dhamayn karo ay ay ula tagaan Madaxweyne Ku xigeenka. Waxa kale oo jira Ha’yado dawli ah oo hoos yimaada xafiiskiisa sidaasi ayuu mashquul u yahay oo marmar uu u gaadhaa illaa 3:00 galabnimo. Waxa kale oo dhacda inuu xiliyada qaarkood gelinka dambena ku soo noqdo xafiiskiisa.”

Bashiir Cabdi Xariir oo daba socday eedo ka soo yeedhay Agaasimihii hore ee khaarajiga oo dhawaan is casilay wuxuu yidhi “Waxa dhawaan is cailay Agaasimaha guud ee Arrimaha dibadda Maxamuud Raagge, waxa markii hore loo magacaabay Agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaalladda waxa xilkiisu ahaa oo uu Xoghaye u yahay Gudidda Cadaalladda. Wasaaradii iyo Gudidii cadaaladda wada shaqayn la’aan ayaa ka dhex bilaabantay,wuxuu markiiba madaxtooyadda uu kula soo noqday cabasho uu wax kaga sheegayo Wasiirkiisii Ismaaciil Muumin.Madaxweynuhu magacaabay Guddi soo baadha xabsiyada iyo maxaabiista ku jirta waxa ka soo baxday warbixin naxdin leh waxa la arkay maxaabiis ku muddo dhaaftays xabsiyadii . Markaa wuxuu madaxweynuhu kala diray Gudiddii Cadaaladda oo ka koobnaa 11 xubnood, maha aha sidii Maxamuud sheegay ee uu yidhi Hooyaday walaalkeed ayaa la eryay, anigu haddii aan ka hadlayo waxaan odhan lahaa abtigay. Madaxweynuhu maalintaasi isbedel mugleh iyo tallaabo ragonimo leh ayuu qaaday.”

Bashiir oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Maxamuud Raage waxa loo bedelay si jaanis loo siiyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha dibadda maadaama oo uu dibadana inagaga yimid, muddo yar markii uu joogay waxa uu bilaabay haddana inuu wasiirkii Arrimaha dibada uu ka soo cowdo oo uu yidhaahdo waxba iima sheego, waxa kale oo uu odha jiray maxaa la iigu dari waayay safaradda dawlada ee Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo. Waxa lagu yidhi waxaasi ma aha shaqadii Agaasimaha guud, Markii Madaxweynaha iyo Wasiirkii Madaxtooyaddu arkeen inuu dhaqankii uu kala yimi Wasaaradda cadaaladda uu arrimaha dibadana la yimid markii uu dareemay dareenka laga qabo iyo siday madaxweynaha uga go’an tahay xubnaha noocaas ah ee lugooyadda ku ah wada shaqaynta in talaabo laga qaadayo ayuu markaa si deg deg ah u yidhi waan is casilay. Ninka iscasilaa muxuu odhan jiray wuxuu odhan jiray dan gaar ah ayaan isku casilay, ama caafimaad darteed ayaan isku casilay si uu mustaqbal siyaasadeed oo dambe u yeesho. Isaguna hadalkiisii wuxuu ku soo dhameeyay adeerkay ayaan arki kari waayay, 10 sano ayaan madaxweyne ku daba socday hadalkaasi waa af aan luuqada siyaasadda ku jirin. Madaxweynuhu cidna adeetr uma aha. Marka uu Madaxweynuhu uu isaga adeer u noqdo, yaa Wasiirka arrimaha dibadana adeer u noqonaya oo aniga adeer ii noqonaya. Waa hadal ay dadku aad ula yaabeen.”

Guddoomiyaha xafiiska siyaasadda iyo xidhiidhka Goleyaashu waxa kale oo uu ka jawaabay eedo uu Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee KULMIYE C/Raxmaan C/Qaadir u jeediyay Madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi “Waxaan kalmad yar ka odhanayaa hadalkii C/Rxmaan C/Qaadir oo aanu muddo dheer KULMIYE wada ahayn oo aanu saaxiib ahayn oo aan anigu runtii jeclaa markii xukuumaddan la dhisayay uu xubin Wasiir ah ka noqdo oo aan u olaleeyay nasiib darro may soo bixin oo ILAAHAY muu qorin. Waanu u tagnay oo waxaanu ku nidhi siyaasaddu maanta uun ma aha ninkii aanu tallooyinkaasi siinay ayaan haddana arkay isagoo markii labaad ama sadexaad. Waxa uu soo xigtay hadaladii lala yaabay ee Agaasimaha is casilay ayaa isaga xikmad ula ekaatay.waxaan leeyahay dalka Horumar iyo waxqabad ayaa ka socda waad nala arki lahayd haddii aad ku jiri lahayd haddii aad xukuumadda ku jiri lahayd. Waxaan leeyahay runtii C/Raxmaan umay wanaagsanayn wixii uu ku hadlay.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aanu waligii musuqmaasuq lagu eedayn isla markaana aanu garab siin doonin cid musuqmaasuq samaynaysa.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki) oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa xisdi iyo xasid ku tilmamay eedihii ka soo yeedhay Agaasimihii is casilay iyo Guddoomiye Ku xigeenka KULMIYE.

“Waxaan la yaabay Agaasimihii is casilay wuxuu yidhi reer Gabileyna waan u doodayaa oo wax baa ka maqan Wasiirkii arrimaha dibadda oo reer Gabiley ahna waan caayayaa arrintaasi ayaa isu kay qaban wayday, Maxamuud waxaan leeyahay reer Gabiley waxba kama maqna waxay leeyihiin dawladdan iyo dalkan waxay isu qabaa. Waxaan leeyahay Wasiirka Arrimaha dibaddu waa masuul ku jira Wasiiradda oo ah masuuliyiinta ay ku faanto xukuumaddu. Wasiirka iyo dawladduba ma geyaan,”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee daakhiligu.

Cabdilaahi Balaaki wuxuu sheegay in dawadii ka go’day agaasimihii is casilay waxaanu yidhi “Maxamuud laftiisa ayaa war ii sheegay oo wuxuu igu yidhi dadkayaga dibadda ka yimaada irbado ayaanu qaadanaa nina waa lix bilood, ninna waa sanad wuxuu igu yidhi ninka markay Irbaddu ka dhamaato isaga ayaa qeyliya oo wuxuu yidhaahdaa irbaddii ayaa iga dhamaatay. Waxaan filayaa inay imika Maxamuud Irbadii ka dhammaatay ee halala gaadho.”

xuseen xarbi

hargaysa

maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com