Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadal ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, kaasi oo uu ku duray hab-dhaqanka xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo.
Hargeysa (maantasomaliland.com) Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadal ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, kaasi oo uu ku duray hab-dhaqanka xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo.
Jaamac Shabeel oo saacado ka hor shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenkoodu aanay ahayn mid sax ah isla-markaana uu ahaa mid isaga ku kooban.
Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), waxa uu eedaymo u jeediyay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxaanu tilmaamay inuu caadaystay ceebaynta xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo ka soo jeeda xisbiga Kulmiye, isaga oo tilmaamay inay doonayaan inay xilka Guddoomiye ku xigeenka xisbigaasi ka qaadaan, haddii aanu ka waantoobin hab-dhaqanka xukuumadda lidka ku ah.akhrisayaashayada qiimaha badan waxaan la socodsiinaynaa in warkan oo faahfaahsan aanu idiin soo gudbin doono goor dhow
maantasomaliland.com