Afhayeen u hadlay Maleeshiyada ka dagaalanta Buuralayda Galgala ee Bariga Sanaag ayaa ku dooday inay gacanta ku hayaan deegaano ay dhawaan ku dagaalameen Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland.
Galgala) (maantasomaliland)-Afhayeen u hadlay Maleeshiyada ka dagaalanta Buuralayda Galgala ee Bariga Sanaag ayaa ku dooday inay gacanta ku hayaan deegaano ay dhawaan ku dagaalameen Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland.
“Galgala anagaa gacanta ku hayna waa deegaankayagii waana dadkayagii, anagu deegaankayagii iyo dalkayagii ayaanu u hadlaynaa”ayuu yidhi afhayeenka u hadlay Jabhadaasi oo magaciisa ku sheegay Maxamed Axmef Cabdi.
Maxamed Axmed Cabdi waxa uu sidoo kale sheegay in Hogaamiyahoodii ku suganyahay Magaalada Kismaanyo ee Koonfurta Somaliya, halkaaso uu sheegay inuu dhawaan ka imanayo, waxaanu “Attam Kismaayo ayuu joogaa waanu soo scdaa oo wuu imanayaa”.
Afhayeenkan u hadlay Kooxda Attam waxa uu ku adkaystay inay sii wadayaan Dagaalka hadii maamulka Puntland soo weeraro “anagu waxaan la dagaalamaynaa cid kasta oo ashaahada la dirir ah oo dhulkayaga nagu soo weerarta”ayuu yidhi.
Sarkaalkan u hadlay Jabhada Attam mar uu ka hadlayay Nin ay Hogaamiyahooda Walaalo yihiin oo Puntland qabatay waxa uu yidhi “Ninka la qabtay ee Attam ay walaalaha yihiin, waxa uu ahaa nin aroos ah oo waxba aan galabsan, waxaana laga qabtay meesha la yidhaahdo Maraje isaga oo wadaada kale iskala jooga”.
Mar la waydiiyay inuu Ninkan ay Attam Walaalaha yihiin ee Puntland qabatay ahaa Ninkii Maleeshiyadooda u qaabilsanaa Farsamada Miinada iyo Aaladaha Qarxa waxa uu yidhi “muu ahayn walaal ee waxa u ahaa Nin miskiin ah oo isaga oo aan waxba galabsan layska qabsaday’.
xuseen xarbi
maantasomaliland