Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadal ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, kaasi oo uu ku duray hab-dhaqanka xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

 Hargeysa (maantasomaliland)Hadaladsiina wax ka mid ahaa. 

“ waxaan doonaya inaan halkan umada uga cadeeyo mawqifkayaga ku aadan nin sheegaynaya ku simaha Gudoomiyha Kulmiye dhawaan Saxaafada la hadlay, oo xisbigiina nuqsaan u soo jeediyey dawladana wax badan oo aan waxba ka jirin u dhaliilay oo ku eedeeyey. Ina Cabdiqaadir maalin hore ayaa hadlay waxa uu u hadlay si calaacal ah, waxan aanu nidhi maalintaas hore mar haduu sidaas u hadlay malaa waxa u eg inuu England iskaga dhoofo, oo uu wadanka isaga tago, waayo wax kale oo u yaalaa ma jiro, taasina waa ayaan daro, Waanu u garanwo markuu madaxweynuhu mar labaadkii Wasiir nimadii ina Cabdiqaadir dhaafiyey, waayo sidanba umuu hadleen haduu ina Cabdiqaadir qaranka xil ka qaban karayo.”

Gudoomiyaha Golaha Dhaxe ee Kulmiye ayaa waxa isaga oo hadlkisiisa sii wata uu yidhi “ Ina Cabdiqaadir waxa uu ka hadlay arimo muqusmaasuq waxana uu yidhi waxa kordhay musuq-maasuq ay Xukuumadu samayso, halkuu ku arkay musuqa kor dhay, waxaan leeyahay isaga iyo qayrkiiba markaad ka hadlaysaan musuqmaasuq anagu lacagta waxaanu u dhiibnay Maxamed Xaashi isaga Umadu way taqaanaa nin aanuu gaadhayna inuu caayo waa noqoniimo uun.”

Gudoomiye Jaamac Ismaaciil waxa kale oo uu intaasi ku daray “ Ina cabdiqaadir markuu leeyahay hadii cod la qaado KULMIYE maanta heli maayo 20% waxan leeyahay dee maal dalkaba ma joogtid oo muraaradilaacii ayaad ku maqantahee, soo noqo ina cabdiqaadiroow toos waa hurudaaye, hurada ka kac Kulmiye maaha mid la leehayay maanta 20% ayaad helaysaa, malaa mafrishyadana ma tagtid, maqaaxiyaha ma tagtid basaska dadweynuhu raacaana ma raacdid meelaas oo dhan ma tagtidee xageed ka keenahay waxaas, kuwii Mucaarikd ahee ee kulmiye ugu necbaa ayaa maanta qirsan in Kulmiye isbadal samaaayey, maanta waxa noo daliil ah in Kulmiye helayo 80% wali ma arkaysid 17 urur siyaasaeed mid dhalaalilya Kulmiye oo saxaafada ka hadlaya.”

Gudoomiyaha Golaha dhaxe ee Xisbgia Kulmiye Md, Jaamac Ismacil Cige “  waxa uu sidoo kalena Gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi ugu hanjabay in ay xilka uu hayo ka qaadi doonaa marka uu shir weynaha xisbigoodu qabsoomo waxan uu yidhi “ Ina Cabdiqaadiroow maanta magacaa aad sidato waxa kuugu hadlay inta uu qabsoomayo shir weynaha xisbigu, xisbigana sidii aad dibada iskaga dhigtay ayaad dibada ugu taalaa iska sii sheego maalaha ka hadhay shirka Golaha Dhaxe waxaad doonayso laakiin waan kuugu bushaaraynayaa in aanu kaa qaadayno xilka aad hayso.”

Mr. Jaamac Shabeel ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Adiga oo iskaga tagay Kulmiye oo aanu ku ognahay oo ururka Horyaal ah, wax kuu ekeyd inaad sida raga qaar kood sidii sharafta lahayd ee ay nooga tageen inaan nooga tagto, aad urur furato aad soo diyaar garowdo doorashada oo aad nala tartanto, markaas aad aragatid inaanu 20% helno iyo inkalee, waxana halkan ka cadaynaaa in aanu ina cabdiqaadir cidbna matalin, waxa uu ku hadlayna aanay waxba ka jirin.” Ayuu yidhi Md. Jaamac Ismacil Cige.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com