Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland oo ay hoos yimaadaan Laanta Socdaalka dalku ayaa manta amartay in ay qabtaan Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee dhawaan iscasilay hadii uu isku dayo inuu ka baxo Dalka.

Hargeysa(maaantasomaliland.com) Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland oo ay hoos yimaadaan Laanta Socdaalka dalku ayaa manta amartay in ay qabtaan Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee dhawaan iscasilay hadii uu isku dayo inuu ka baxo Dalka.

Qoraal aan wali maantasomaliland.com  aan soo gaadhin balse rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa loo qaybiyay dhamaan Madaaradda Dalka oo dhan si haddii uu is yidhaahdo dalka uga bax ay u qabtaan.

Amarka qabashada ah ee loo qaybiyay Xafiisyada Socdaalka ee Madaaradda Dalka ayaan ahayn mid ka soo baxay Maxkamadaha Awooda u leh qabashada qof masuul ahaan jiray oo aan wali danbi ku cadaan iyadoo ay talaabadani noqonayso tii ugu horeysay ee ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku talaabsatay. Inkastoo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur hore u amray xadhigii Lataliyaha Madaxweynaha e dhinaca Siyaasadda Abiib Diiriye Nuur kaasoo ay ciidamadda CID-du qabteen iyadoon Waaran Maxkamadeed loo keenin ilaa hadana aanay jirin wax danbi ah oo ay ku cadaysay ka hor intaanay sii daynin iyo ilaa
imika toona.

Wasaaradda Arrimaha Dibeda ayaa kadib markii uu agaasimahaasi ku Eedeeyay Wasiirka inuu Lunsaday lacago ay lahaayeen Xafiisyada Somaliland ay ku leedahay dalalka Dibeda iyo Mid cusub oo laga furayay Dalka cusub ee Koonfurta Suudaan soo saaray qoraal ay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud kaga dalbanayaan in la baadho Eedahaasi oo ay ku andacoonayaan inaanay waxba ka jirin.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland ee uu Agaasimuhu u jeediyay Musuqmaasuqa ayaa la filayaa inuu bari u baxo socdaal shaqo oo ay ku tagayaan isaga iyo Madaxweynuhu shirka Somaliya loogu qabanayo dalka Ingiriiska.

muuse jaamac

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com